Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Gudiga Taageerada Gaarka ah Ee Dawlad Deegaanada Dalka Oo Soo Afmeeray Qiimayntii Waxqabadka 2007TI iyo Qorshaha 2008TI

Addisababa(CN) Axad, 8da November 2015, Shir lagu qiimaynayay waxqabadkii dawlad deegaanada dalka ee 2007TI dhanka taaageerada gaarka ah ee dawlada federalka ahi bixiso laguna eegayay qorshaha 2008TI oo ay hogaaminayeen ra'iisal wasaare ku xigeenka ahna gudoomiyaha gudiga taageerada gaarka ah ee dalka mudane Damaqe Mokennin iyo wasiirka wasaarada arrimaha fadaraalka iyo horumarinta xoolo dhaqatada mudane Kassa Tekleberhan ayaa saaka lasoo gabagabeeyay.

qiimayntan oo ahayd mid xooga lagu saarayay waxqabadka xafiisyada dawlad deegaanada dalka ee ay kamidka yihiin: X/Adeega shacabka, X/Xoolaha, beeraha iyo hormarinta reer miyiga, X/Biyaha, X/Waxbarashada, X/Caafimaadka iyo waliba ka faa'iidaysiga wabiyada ayaa la iskula qaatay in xukumada DDSI ay 100% ka faa'iidaysatay taageerada gaarka ah ee killilada la siiyo waxqabad hormarineed oo la taaban karana ka keentay oo ay waliba mudan yihiin in dawlad deegaanada kale kudaydaan.

Waxaana deegaankeena uga qayb galay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka Waxbarashada mudane Mawliid Haayir Xasan, Wasiirka Biyaha marwo Fartuun Cabdi Mahdi, Wasiirka Adeega Shacabka marwo Maajida Maxamed, Kuxigeenka X/ Xoolaha iyo Beeraha mudane Guuleed aw-Cali iyo Ku simaha ahna Kuxigeenka X/Caafimadka mudane Cabdifataax Siciid.

Qiimayntii 2007 TI kadibna waxaa la ansixiyay qorshaha 2008TI iyadoo halkaa falanqayn dheer lagu sameeyay. Waxaana la isla qaatay in xafiis walba oo heer deegaan ah uu la xidhiidho wasaarada khusaysa ee heer fadaraal.

Shirkii qiimaynta waxqabadka iyo qorshaha ayaana kusoo gabagaboobay guulo iyo jawi wacan. waxaa kale oo iyana shalay soo gabagaboobay shirkii golaha dhexe ee EPRDFta oo ay guulo midhodhal ah kasoo baxeen.