MW CMC Oo Kusoo laabtay Xarunta Deegaanka.

Jigjiga (CN) Isniin,Nov 09 2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud cumar oo uu waheliyo Afhayeenka Golaha Xildhibaanada ahna Gudoomiya XDSHSI Mudane Maxamedrashid Isaaq ayaa saaka dib ugusoo laabtay xarunta deegaanka ee jigjiga.Kadib markii ay kasoo qayb qaateen shirkii golaha dhaxe ee EPRDF iyo shirkii qiimaynta waxqabadka 2007 TI ee taageerada gaarka ah ee lasiiyo dowlad deegaanada dalka iyo ansixinta qorshaha 2008TI oo maalintii shalay ahaa lagusoo gabagabeeyay xarunta dalka ee Addis Ababa.