Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan wacyigalin ah oo ka dhacay caasimada deegaanka ee jigjiga.

Jigjiga (CN) khamiis,12, November, 2015, Kulankan  oo ay si wada jir ah u soo diyaariyeen xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV ADISKA DDSI iyo xafiiska caafimaadka DDSI ayaa loo qabtay gudiyada  ardayda isguulada  maamulka magaalada jigjiga ee u aas aasan  ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HVI ADISKA  kaasi oo ay ujeedadiisu ahayd   wacyigalin  lagu  falanqaynayo  sidii looga hortagi lahaa loona sii xoojin lahaa  xakamaynta    cudurka HIV ADISKA.

Kulankaa oo ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI ayaa Waxaana furitaankii ka hadlay wasiir ku xigeenka ahna ku simaha xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid oo sharax dheer ka bixiyay dhibaatooyinka iyo aafooyinka uu cudurkani leeyahay iyo sidii looga wada shaqayn lahaa la is kagana kaashan'lahaa  ka hortaga iyo xakamaynta  cudurka isaga oo dhalinyarada ku booriyay in ay kaalintooda ka qaataan la dagaalanka cudurka.

 

 Waxaa kale oo ka hadashay kulankaasi wasiirada  xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV ADISKA DDSI marwo faaduma cabdilaahi takhal oo ka warbixisay dadaalada balaadhan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii looga hortagi lahaa cudurka loona xakamayn lahaa cudurka faafa ee HIV ADISKA, iyo guulihii laga soo hooyay xakamayntiisa 5tii sano ee ugu danbaysay waxayna tilmaantay wasiiradu sida ay xukuumada iyo xafiiskuba u sii xoojinayaan xakamaynta iyo ka hortaga  cudurkaasi oo ah mid dilaaya waxayna dhalinyarada ardayda ah ku boorisay sidii ay uga foojignaan lahaayeen cudurka ugana qayb'qaatan lahaayeen jihooyinka lagu xakamaynayo faafida cudurka.