Gudiga wax’qabadka abaaraha gobolka siti oo shirku yeeshay xarunta gobolka

Shiniile(CN) Jimce,13,November. 2015, Xukuumada DDSI ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii xal waara looga gaadhi lahaa abaaraha ka jiray gobolka siti  abaartaa oo ah mid ay  keentay cimilada oo isbadashay   maadaamo oo roobabkii la filayay ayna helin gobolka  islamarkaana ay sobobtay in ay  dhacaan abaaro saameeyay gobolka siti.

Haddaba tan iyo intii ay soo baxday  abaartani ayaa xukuumada DDSI dadaal xoogan galisay sidii bulshada looga samata bixin lahaa abaarahaasi  waxaa markiiba ay xukuumada DDSI u samaysay  gudiga u xilsaaran wax ka qabadka abaaraha gobolka siti

waxaa   maanta ka dhacay xarunta gobolka siti ee shiniile shir ay yeesheen gudiga waxka qabadka abaaraha oo ay hogaaminayeen afhayeenka golaha baarlamaanka ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamed rashiid isaaq, iyo madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane cabdixakiin cigaal cumar

Gudigan oo uu gudoomiye u yahay afhayeenka golaha baarlamaanka DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq ayaa waxay lagu gorfeeyay shirkaasi heerka ay marayaan waxqabadka xukuumada DDSI iyada oo shacabka ay saameeyeen abaartu la gaadhsiiy raashin, caafimaad tayaleh, biyo nadiif ah calafka xoolaha, sii xoojinta dhinaca waxbarashada.

Waxaana laysla qaaday shirkaasi in guulo wanaagsan ay xukuumada DDSI ka qabatay  abaartaasi, sidoo kalena  laysla qaatay in la sii xoojiya joogtaynta  dadaalada lagaga saarayo bulshada abaarta iyada oo ay  gudigan xubo ka yihiin masuuliyiinta xafiisyada heer deegaan sida  caafimaadka, xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI, beeraha, waxbarashada, gaadiidka iyo ganacsiga iyo  xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI.

 

Waxaa kale oo xusid mudan in tan iyo intii ay bilaabantay hawlaha waxka qabadka abaaraha  ay shacabka ku dhaqan gobolka siti   siwayn u bogaadiyeen taageerooyinka aan gala go’alahayn ee ay ka heleen xukuumada DDSI iyo tan heer fadaraal  iyada oo ay masuuliyiinta ugu saraysa heer fadareel oo uu ka mid yahay Raysilwasaaraha dalka itoobiya  mudane Hailemariam Desalegn  iyo madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ay la kulmeen qaybaha kala duwan ee bulashada gobolka siti kalana xaajoodeen sidii xal looga gaadhilahaa abaarta ka jirta gobolka siti