Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar u furmay golaha xildhibaanada DDSI.

Jigjiga(CN) Axad, 15, November, 2015, Waxaa ka furmay hoolka shirarka ee xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI tababar loo qabtay qayb ka mid ah golaha xildhibaanada DDSI, tababarkaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska golaha xildhibaanada DDSI ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qaybgalay afhayeenka golaha baarlamaanka DDSI ahna gudoomiyaha XDSHI mudane Maxamedrashiid Isaaq, afhayeen ku xigeenka golaha xildhibaanada DDSI marwo fardawsa  maxamed, madaxa xafiiska golaha xildhibaanada DDSI mudane ibraahin maxamed, iyo xildhinaadadii loo qabtay tababarka.

Tababarkan  oo ay  ujeedadiisu ahayd in xildhibaanada fahan buuxa laga siiyo, mabaadida aas aasiga ah ee dastuurka Jamuuriyada Dimuqoraadiga Faderaalka Itoobiya,sifooyinka u gaarka ah dastuurka JDFI,nidaamka federalismka, hanaanka iyo hab’dhaqanka anshax ee golaha xildhibaanada, hanaanka shaqo ee golaha xildhibaanada, xilka iyo waajibaadka gudiyada joogtada ah ee golaha xildhibaanada DDSI, awood siinta haweenka iyo doorka ay ku leeyihiin hirgalinta maamulka suuban.

Waxaana furitaankii tababarkaasi ka hadlay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamed rashiid Isaaq  oo si qoto dheer uga hadlay dadaalada balaadhan iyo guulaha horumarineed  ee ay xukuumada DDSI 5tii sano ee ugu danbeeyey soo hoysay iyo waliba guulihii uu XDSHSI ka soo hooyay doorashadii golaha 5aad ee ugu danbaysay taasi oo uu  mudnaan gaar ah siiyay Xisbigu ka qaybgalinta  haweenka deegaanka oo ay 30% golaha xildhibaanada heer deegaan yihiin haween xilalka ugu sareeyana ka hayaan xukuumada DDSI halka golaha xildhibaanada heer fadaraal ugu jira deegaanka ay  65% yihiin haween taasina ay muujinaysa guulaha balaadhan ee uu XDSHSI soo hooyay.

Waxaa kale oo uu afhayeenku ka warbixiyay waajibaadka dastuuriga ah ee saaran golaha xildhibaanada  iyo doorka ay shacabka ka sugayaan golaha xildhibaanada DDSI wuxuuna ku booriyay afhayeenku in ay tababarkan sidii loogu talagalay uga faa.iidaystaan xildhibaanadu.

 

Tababarkan oo mudo 4 maalmood ah socondoona ayaa waxaa cashiro ka bixinaya khabiiro ka socda xafiiska golaha xildhibaanada DDSI.