Dhismaha jaaliyada Magaalada Edmonton-Canada Oo Soo Gabagaboobay

Edmonton(CN) Isniin, 16ka Nov. 2015, Sidaan wada ogsoonahay, waxaa 5tii sano ee lasoo dhaafay guud ahaan deegaanka kadhacay isbadalo waa wayn gaar ahaan dhanka xidhiidhka dadwaynaha kadib markii ay xukuumadu ku bixisay safaro dhaadheer iyo kuwo gaagaaban oo is daba joog ah 5ta qaaradood ee aduunka iyada oo qurbajoogta kasoo jeeda deegaanka lasamaysay wada-xaajood dhab ah oo kusalaysan siday u cidhibtiri lahaayeen meeshana uga saari lahaayeen been-quutayaashii Ubbo ee dadka kubaadhanayey waxaan jirin oo kutiri ku teen iyadoo ay xukuumadu hordhigtay waaqiciga dhabta ah ee kajira deegaanka arintaasina ay noqotay mida kadanbaysay qulqulka is dabajooga ah ee ay qurbajoogtu ku imanayso deegaanka.

 Sidaadarteed, ayaa waxaa kaqabsoomay magaalada Edmonton shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen qaybaha kaladuwan ee bulshada kasoo jeeda deegaanka iyadoo uu gudoomiyaha guud ee North America mudane Maxamed Shugri Nuur khadka telephone kaga qayb galay  dhismaha maamulka jaaliyada kunool magaalada Edmonton ee cariga Canada ayaana lasoo gabagaboobay.

 Dhisidan ayaana kakoobnayd laba qaybood oo kala ah: dhisida boardiga jaaliyada iyo maamulka jaaliyada Edmonton.

 

 Qaybta boardiga ee jaaliyada Edmonton ayaana loo dhisay sidan:

1.      Xabiib sayid nuur

2.       Xuseen  Maxamed

3.      Ugaas Mukhtaar Cabdulaahi 

4.      Cabdi-yare M baynax

5.       Kayse Sheekh Cabdulaahi

6.      Khadar boojaali

Kadibna waxaa ladoortey maamulkii jaaliyada Edmonton Canada:         

1.       khadar Maxamed (Gudoomiye)

2.       Faadumo Xaaji omar Buraale (kuxigeen)

3.        Fowzia Barre Dhinbil (dhaqaale)

4.        Maxamed G. Aadan (xogheyn)

Ugudanbayna, gudiga jaaliyada iyo maamulka jaaliyada ee magaalada Edmonton ee cariga Canada loo dhisay ayaa balanqaadey inay kasoo dhalaali doonaan waajibadkooda shaqo iyo kaqayb qaadashada arimaha ururka horumarinta soomaalida itoobiya (UHSI) uu wado.