Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Biyo-xidheenada Degmada Fiiq Oo Bilaw Fiican Maraya

Fiiq(CN) Talaado, 17ka Nov. 2015, kadib guulo  waa wayn oo ay xukuumadu kasoo hoyisay nidaamkii biyo ururinta barkadaha ee qorshihii koboca iyo isbadalka dhaqaalaha wareegiisii 1,aad iyadoo eegaysay kahaqabtirka  bulshada  dhanka baahida biyaha ayay xukuumadu qaadatay in qorshaha isbadalka iyo koboca dhaqaalaha wareegiisa 2,aad lagahirgaliyo deegaanka 96 biyo xidheeno oo waawayn iyadoo kusalaynaysa dhanka tabac a beeraha iyo isticmaalka bulshada labadaba.

Sidaadarteed, Hirgalinta qorshaha biyo xidheenada degmada fiiq uyaalay sanadkan 2008TI ayuu guud ahaan bilawgoodu marayaa meel fiican iyadoo gaar ahaan biyo xidheenka qabalaha tukaale ee laagta gobabka laga bilaabay uu marayo 50% wakhti dhawna lafilayo inuu soo gabagaboobo.

Hadaba gudoomiyaha degmada fiiq mudane Cabdiqaadir Maxamed Xasan oo shabakada cakaara uga waramay xaalada biyo xidheenada ayaa sheegay in bilawgii mashaariicda biyo xidheenada degmadu si habsami ah u bilawday iyadoo qorshaha degmadu yahay in wakhti gaaban gudihii lagaga faraxasho.