Kulanka golaha kaabinega DDSI oo qabsoomay

Jigjiga(CN), khamiis 19, November, 2015, Ka hor intii aysan madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar  iyo waftigu u anbabixin caasimada dalka ee Addisababa ayuu golaha cabineyga DDSI saaka kulankiisii caadiga ahaa ku yeeshay hoolka shirarka ee xafiiska madaxtooyada DDSI.

Kulankan ayuu anjandihiisu ahaa sidii loo dar dargalin lahaa guud ahaanba xoojinta hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee xukuumada DDSI iyada oo gaar ahaan diirada lagu saarayay hawlaha dib u dajinta, caawinta joogtaynta hawlaha  waxka qabadka xaalada abaaraha gobolka Siti, dabagalka hab fulineedka biyo xidheenada degmooyinka deegaanka, awood siinta  wax soo saarka beeraha, ka shaqaysiinta ceelasha hadhay ee shiniile, daba galka habka baris barasho ee dhamaanba dugsiyada DDSI  iyo sii xoojinta adeegyada caafimaadka DDSI.

Falanqaynta dheer ee uu goluhu yeeshay ee dar’dargalinta  hawlaha xooga la saarayo ayaa ka dib waxa uu goluhu  isla qaatay in iyada oo xeelada shaqo iyo tabaha fulineed oo cilmiyaysan la isticmaalayo  la guda galo in muda gaaban gudaheed lagu soo afmeero dhamaanba qorshayaashi