Shir lagu qiimaynayo wax-qabadkii Bangiyada dhiiga ee heer qaran oo ka dhacay jigjiga.

Jigjiga (CN) sabti, November, 21, 2015, Waxaa ka furmay xarunta deegaanka ee jigjiga shir lagu qiimaynayo waxqabadkii kaydka Bangiyada  dhiiga ee dalkeena itoobiya ee 2007TI iyo soo bandhiga hirgalinta  qorshaha ee dhinaca kaydinta dhiiga ee  2008 IT,  waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska caafimaadka oo uu ugu horeeyo  wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI, masuuliyiin ka socday wasaarada caafimaadka ee JDFI, agaasimaha guud ee bangiyada dhiiga dalkeena itoobiya mudane Dr danel gebremachail, masuuliyiin ka socotay dhamaan deegaanada dalkeena iyo maamulada magaalooyinka JDFI, gaar  ahaan bangiyada  dhiiga iyo xafiisyada caafimaadka deegaanada

Waxaana ugu horayntii shirkaasi furay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane cabdifataax siciid oo ugu horaynt ku soo dhaweeyay masuuliyiinta  marti sharafta  deegaanka  sheegayna in ay  sharaf u tahay in shirkan qiimaynta ah ay  martigaliso dawlada deegaanka soomalida itoobiya isaga oo sharax dheer ka bixiyay amiyada uu leeyahay khaydinta dhiigu kana warbixiyay guulaha ay xukuumada DDSI iyo xafiiska caafimaadkuba ka soo hooyeen waxqabadkii dhinaca kaytinta dhiiga ee qorshihii 2007 iyo sida ay hadda ugu diyaar garowday meelmarinta iyo kor u qaadida qorshaha 2008TI ee ku salaysan kaydinta dheega oo wax wayn ka qabanaya hooyada dhiig baxaysa sidoo kalena guul mug leh laga gaadhay dhinaca wacyigalinta bulshada si ay ugu baraarugaan ahmiyada ay leedahay deeqda dhiigu

Dhankiisa waxaa isaguna ka hadlay furitaankii shirkan agaasimaha guud ee Bangiyada dhiiga JDFI mudane Dr Danel Gebremachail  oo sheegay in uu ku faraxsan   horumarka balaadhan ee wakhtiga gaaban ay xukuumada DDSI ku gaadhay ee ay ugu horayso bilicda caasimada deegaanka ee jigjiga oo maanta uu ka furmay shirka qiimaynta ee bangiyada dheega, wuxuuna masuulku ka warbixiyay waxqabadka bangiyada dhiiga ee dalkeena itoobiya oo ay tiradoodu dhan tahay ayuu yidhi 25 bangi oo lagu kaydiyo dhiiga kuwaasi oo waxwayn ka qabtay  ayuu yidhi  masuulku hoos u dhiga hooyada umusha ah ee u dhimanaysay dhiig la aan.

Shirkan qiimaynta ah oo socon doona mudo 3 maal-mood ah ayaa waxaa  diirada lagu saarayaa waxqabadkii  qorshaha 2007 TI   dhinaca bangiyada dhiiga iyo meel marinta qorshaha 2008TI iyada oo laga khibrad qaadanayo qorshihii hore si loo gufeeyo meelihii uu qorshahaasi gol-daloolada ka lahaa islamarkaana qorshe mid ah oo isla jaan qaadaya ay deegaanada dalku ka  qaataan  dhigaca kor u qaadida kaydinta dhiiga.

 

Isku soo wada duub oo waxaa xusid mudan in bandhiga kaydinta dhiiga ee DDSI uu ku guulaystay  in uu ururiyo ama kaydiyo dhiig dhan 2,329 yunit sanadkii hore 2007IT halka uu qorshaystay in uu kaydiyo sanadkan 2008TI dhiig dhan 175,000 yunit taasi oo wax wayn ka tari doonta dhimashada hooyada dhiig bax u dhiman jirtay iyo dadka ay shilalka deg dega ah soo gaadhaan.