Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xuska sanad guurada 35,aad ee xisbiga deegaanka amhara

Bahardar(CN) sabti  November, 21, 2015, Waxaa saaka si heer sare ah looga xusay xarunta dawlad deegaanka amhara ee bahirdar sanadguuradii 35,aad ee xisbiga dhaqdhaqaaqa dimoqraadiyada qaranka amhara(ANDMO) oo kadhacday garoonka cayaaraha kaladuwan ee magaaladaasi.

 Xuska sanadguuradan ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas'uuliyiinta ugu saraysa xukuumada federalka iyo dawlad degaanada dalka, wakiilada xisbiyo wadamo kaladuwan, safiiro, shacabka magalada bahirdar iyo marti sharaf kale.

 Munaasabadan ayaana waxaa deegaankeena uga qaybgalay hogaaminta ugu saraysa xukumada oo uu hogaaminayo  madaxwaynaha ddsi ahna gudoomiye kuxigeenka xdshsi mudane cabdi Maxamud cumar, afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha xdshsi mudane maxamedrashiid isaaq, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada mudane mowliid haayir, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka, dhismaha iyo warshadaha mudane cabdixakiin cigaal, madaxa xarunta dhexe lehna awood madaxwayne kuxigeen mudane cabdicasiis maxamed iyo wasiirka xeer ilaalinta iyo cadaalada guud mudane cabdijamaal Axmed qaloonbi.

 Hadaba Raisal wasaaraha dalkeena itoobiya mudane Hailemariam Desalegn oo kahadlay xuskan ayaa sheegay in halgankii khadhaadhaa ee uu xisbigu lagalay gumaystihii dhargiga uu deegaanka amhara iyo guud ahaanba dalkaba u horseeday dimoqraadiyad wanagsan isagoo xusay in xisbigu si geesinimo leh oo naftaa huris ah uu u wajahay halgankaasi si talada uga xayuubiyo gumaystihii dhargiga ee cadaadiska ku hayay shacabwaynaha amhara iyo ka dalkaba oo ah ta keentay inay dhashaan shucuubo iyo qawmiyado ku wada nool sinaan, cadaalad, wadaniyad iyo isjacayl. Raisal wasaaraha ayaana ugu danbayntii ugu hambalyeeyay xisbiga amhara caawintii iyo garabsiintii xisbiyadii kale ee caabiga kujiray ay kudhasheen sida dhismihii xisbiga dimoqraadiga shacabka oromo(OPDO) iyo xisbiga dhaqdhaqaaqa dimoqraadiyada shucuubaha koonfurta(SEPDM) isagoo shegay in xisbigu guulo waa wayn kakeenay ladagaalanka saboolnimada iyo horumarka xawliga usocda ee wadanka.

Sidoo kale, gudoomiyaha xisbiga dhaqdhaqaaqa dimoqraadiyada qaranka amhara mudane demeqe mokennin oo goobta kahadlay ayaa sheegay in xisbigu guulo wax ku ool ah uu kakeenay isbadalka guud ee siyaasada wadanka isagoo abuuray qaran dimoqraadiyad kudhisan oo wada shaqayn, isjacayl, wadaniyad iyo midow dastuuri ah leh.

 

Ugudanbayna, waxaa halkaa lagu abaal mariyay naftood hurayaashii kaalinta wayn kaqaatay halgankii khadhaadhaa.