Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan ka dhacay tuulada dalaad.

Dalaad(CN) isniin. November,23,2015, Maamulka deg.qabridahar ayaa kulan ku saabsan shacinta miisaniyada sanadka 2008TI  u qabtay qaybaka kala duwan ee bulashada iyo waxgaraka kudhaqan tuulada dalaad ee deg.qabridahr.kulankaasi  oo uu soo  diyariyey xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha ee deg.qhr oo ay ka soo qaybgaleen qaarka mid ah musuuliyiinta  maamulka degmada qabrihadar iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan tuulada dalaad.

Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadashay madaxa xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaaha ee degmada qabrihadar marwo Fardawsa Saadiq oo ku  soo bandhigtay madashaasi   qorshaha guud ee sanad  miisaaniyeedka  2008TI ee degmada qabridahar iyo  sida loo qoondeeyay iyo waliba  meelaha ay galisya miisaaniyada waxayna sheegtay in ay door muhiim ah ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha  miisaaniyadan bulashada qaybaheeda kala duwan 

Sidoo kalana waxaa kulankaasi ka  hadlay madaxa.xafiiska .xolaha ber.iyo hor.reer-miga deg.qhr mudane cabdikariim Cumar dahir.dhankoodana oo ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay shaacinta miisaaniyada  si ay bulshadu u ogaadaan halka ay galayso miisaaniyada loo qoondeeyay .

Shacabka ku dhaqan tuulada dalaad yaa soo dhaweey  kulanka  lagu shaacinayo miisaaniyada degmada kuwaasi oo sheegay in ay kaalin miigan ka qaadanayaan qorshayaasha lagu hirgalinayo miisaaniyadan oo dhamaanteed ka turjimaaysa kor u qaadida adeegyada bulshada.

Tanina waxay qayb ka tahay barnamijka cadcadaanta iy islaxisaabtanka ay dajisay xukuumada DDSI ee lagu xoojinayo hirgalinta qorshayaasha horumarineed.