Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar loo xidhay hogaaminta caafimaadka ee degmooyinka iyo xarumaha caafimaadka.

Jigjiga (CN) isniin, November, 23, 2015, Tababarkaasi oo uu soo diyaariyay  xafiiska caafimaadka DDSI gaar ahaan mashruuca caafimaadka  hooyada iyo dhalaanka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (RIF) mashruucaasi oo fulintiisa ay   si wada jir ah u  hirgaliyaan   xafiiska caafimaadka DDSI , ururka horumarinta soomaalida itoobiya iyo haay’ada ACPA.

Tababarkan oo socday mudo 7 maalmood ah ayaa waxaa loo qabtay 110 xubnood oo ka mid ah hogaaminta  xafiisyada caafimaadka ee heer degmo iyo xarumaha caafimaadka deegaanka kuwaasi oo ka socday degmooyinka Gobolada ay ka mid yihiin g/ Faafan, Qorashay iyo Siti, tababarkan  ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadilahaa fahanka garaadka aqooneed ee hogaaminta xafiiska si hore loogu  fulinta  hirgalinta iyo ka midho dhalinta qorshayashaasha xafiiska  caafimaadka DDSI .

Waxaana xidhitaankii tababarkaasi ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane cabdifataax siciid maxamed oo ka warbixiyya ahmiyada uu lahaa tababarkaasi iyo ujeedooyinka loo qabtay isaga sharax dheer ka bixiyay jihooyinka iyo istaraatijiyadaha horumarineed ee u yaala xafiiska caafimaadka iyo xoojinta awoodii suuro galin lahayd meel marinta qorshayaashasi tababarkan loo qabtay hogaaminta caafimaadkuna yahay tabaha lagu xoojinayo tayada adeegyada caafimaadka, wuxuuna wasiirku  tababartayaasha kula dar daarmay in ay ka midho dhaliyaan aqoontii ay ka heleen tababarka una hirgaliyaan jihooyinkii loogu talagalay.

Dhankiisa waxaa uga warbixiyay warbaahinta deegaanka ahmiyada uu leeyahay tababarkan isku duwaha guud ee mashruuca caafimaadka hooyada iyo dhalaanka (RIF)  DDSI mudane shaafici daahir muuse oo sheegay in uu mashruucani oo ka hawlgala dhamaan degmooyinka deegaanka  iyo 4 maamul magaalo ee deegaanka, tan iyo intii laga hirgaliyay deegaankana uu dadaal xoogan ugu jiro wacyigalinta iyo kor u qaadida tayada adeega caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka,  wuxuuna masuulku tilmaamay in tababarkan maanta loo  soo xidhay uu  fure u yahay  hirgalinta mashruuca iyo meelmarinta dhamaanba qorshayaasha caafimaadka ee ku qotoma ka  midho dhalinta qorshaha GPT2, wuxuuna intaasi ku daray masuulku in uu mashruucani kaalin miigan ka qaadanayo ka shaqaysiinta iyo adeeg hufan bixinta xarumaha caafimaadka DDSI.

 

Dhankooda qaarka mid ah tababartayaashii  ayaa sheegay faa’iidooyinka ay ka helaan mudadii uu socday  tababarkani  kuwaasi oo tilmaamay sida ay uga midho dhalainayanaa marka ay ku noqdaan degmooyinkii iyo xarumihii caafimaadka ee ay ka yimaadeen