Biyo xidheenka tuulada jidhacleh

Dhoobawayn(CN), November, 25,2015, Wafti uu hogaaminhayey gudoomiyaha Gobolka Qoraxay mudane yuusuf adan yusuf oo ay ku wehelinayeen  masuulin heer gobol iyo heer  degmo  ayaa kor meer shaqo ku gaadhay biyo xidheenka laga hirgalinayo  tuulada jidhacle ee degmada .dhobawayn ee gobolka.Qoraxay.

Gudoomiyaha gobolka qoraxay mudane yuusuf aadan yuusuf  oo la hadlayay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay ujeedada socdaalkoodan isaga oo sheegay in ay tahay  sidii ay u soo kormeerilahaayeen mashaariicaha horumarineed ee ka socda degmada dhoobawayn gaar ahaan mashruucan biyo xidheenka ee tuulada jidhacle.kaa oo uu sheegay gudoomiyuhu in uu yahay qorshayaasha iyo istaraatajiyadaha horumarineed ee ay xukuumada DDSI u qaadatay sanadka 2008TI in xooga la  saaro  wuxuuna tilmaamay in uu mashruucan biyo xidheen ka tuulada jidhacleh uu  meel gabagaba  ah hada marayo.

Dhankoodan waxgaradka ku iyo odayaasha ku dhaqan tuulada jidhacle ee degmada .dhobowayn ayaa si balaadhan u soo dhaweeyey  qorshaha ay XDSHSI  ku hirgalinayso biyo xidheenkan oo wax wayn ka qaban doona biyo la aantii dhici jirtay iyo waliba xoojinta wax soo saarka beeraha waxayna hoosta ka xariiqeen in ay si habsamiya uga faa-iidaysan doonaan mashruucani.