War Deg Deg ah: Safiir Buuxa Oo Lamagacaabay

Jigjiga(CN) Khamiis, 26ka Nov. 2015, Madaxwaynaha JDFI mudane Dr. Mulatu Tashome ayaa maanta safiir awood buuxda iyo wakiilasho leh u magacaabay mudane Mustafe Deeq Cabdisalaam oo ahaa Maareeyaha Mashruuca Horumarinta Reer guuraaga(PCDP) ee DDSI.

Mustafe ayaa wuxuu kamid yahay safiiro 13 ah oo cusub iyo 2 horay usoo ahaa oo uu madaxwaynaha JDFI maanta magacaabay.

Hadaba, darajada safiirnimada oo ah mid heerar kaladuwan leh sida: safiir latashi sameeya, safiir wakiilasho, safiir awood buuxda iyo wakiilasho leh, ayaa Mustafe loo magacaabay darajada 1,aad ee safiirnimada oo ah mid awood buuxda iyo wakiilasho leh oo ah darajada ugu qiimo badan safiirnimada iyadoo safiirada kale lagu magacaabay darajooyinka kaladuwan ee safiirnimada.

Goobta lagu magacaabayna dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa.