Kulan lagu Qorshaynayay Mashaariicaha (Guulaha Iskufilnaanshaha Horumarineed)SDG..

Jijiga (CN) Jimce, 27 Nov 2015, Waxaa ka dhacay xarunta deegaanka ee jigjiga kulan lagu qorshaynayay dar dargalinta iyo sii xoojinta hirgalinta mashaariicaha horumarineed ee SDG taasi oo ay ka soo qaybgaleen maareeyayaasha wakaaladaha heer  deegaanka  iyo masuuliyiinta xafiiska horumarinta dooxooyinka iyo waraabka DDSI oo  uu ka mid yahay wasiirka xafiiska horumarinta dooxooyinka iyo waraabka DDSI mudane suldaan maxamed hasan iyo  masuuliyiin ka socotay wasaaradaha beeraha ee heer fadaraal oo ay ka mid yahay wasiiru dawlaha wasaarada beeraha marwo frenesh mukriye


Waxaana ugu horayntii kulankaasi ka hadlay wasiirka horumarinta dooxooyinka iyo waraabka DDSI mudane suldaan maxamed oo sheegay ahmiyada kulankani in ay tahay sidii loo sii xoojin lahaa qorshyaasha horumarineed ee mashruuca SDG taasi oo uu deegaanku guulo waawayn ka soo hooyay dhinacyada dib u dajinta.


Sidoo kale waxaa iyaduna dhankeeda ka hadashay wasiiru dawlaha wasaarada beeraha ee JDFI marwo frenesh mukriye oo sheegtay ahmiyada uu leeyahay mashruucan SDG waxayna tilmaantay in uu deegaanka soomalida itoobiya guulo wax ku ool ah ka soo hooyay meelmarinta iyo hirgalinta mashruucan gaar ahaan dhinaca dib u dajinta tusaalena u yahay deegaanada kale ee dalka