Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI oo deeq gaadhsiiyay Gobolka Siti.

Hadhagaale (CN) sabti, November, 28,2015, Ciidanka booliska  gaarka ah ee  DDSI oo ah ciidan shacab ayaa makii ay si mug leh ugu guulaysteen hirgalinta nabadgalyo buuxda  waxay hadda  ku hawlan yihiin ka qaybgalka hirgalinta hawlaha horumarka iyo ka jawaabida baahiyaha  shacabka DDSI.

Haddaba waxay  ciidanka gaarka ah ee liyuu booliska DDSI deeq raashin ah oo iskugu jirta bariis iyo sonkor  gaadh-siiyeen degmada hadhagaale oo gobolka siti deeqdaasi oo ay ciidanka booliska gaarka ah ee  DDSI ay ka   soo jareen mushaarkooda askari ilaa musuul sare  waxayna  ugu talagaleen in ay ku caawiyaan shacabka ay abaarta roob la’aantu keentay saamaysay.

 waxaa deeqtaasi gaadhsiiyay degmada hadhagaale ee gobolka siti  masuuliyiinta ciidan  booliska gaarka ah ee DDSI oo uu hogaaminayay taliyaha guud ee ciidanka booliska gaarka ah ee  DDSI mudane  general cabdirahmaan cabdilaahi buraale oo ay ku hewelinayeen masuuliyiin ka socoday gobolka siti oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka siti mudane cabdiwali maxamed.

Waxaana madashii loogu qaybinayay deeqdan raashinka shacabka ku dhaqan qabalaha xaarisa ee degmada hadhagaale  kula hadlay bulshada la gaadhsiiyay caawinta  taliyaha guud ee  ciidanka booliska  gaarka ah DDSI mudan  general Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale. wuxuuna sheegay in ay ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI yihiin ciidan shacab oo ka dam-qanaya dhibta soo gaadha shacabka DDSI gaar ahaan tan hadda ay sobobtay abaarta roob la aantu keentay isaga oo  tilmaamay taliyaha guud in ay deeqdan ciidanka booliska gaarka ah ka soo jareen mushaarkooda taasi ay tahay ayuu yidhi  waajibaadka naga saarayan  shacabka wuxuuna sheegay in ay caawinta sii wadayaan si looga samata bixiyo shacabka abaartu saamaysay  

Dhankooda shacabka deeqdan raashinka ah la  gaadhsiiyay oo ka hadlayay madashaasi ayaa siwayn ugu mahad celiyay soona dhaweeyay  ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI sida wadaniyada iyo damiirnimada leh ee ay iskaga soo xilsaareen in ay deeqdan  ay ka soo jareen mushaar kooda  soo gaadhsiiyaan waxayna hoosta  ka xariiqeen in ay yihiin ciidan siwayn ugu dam-qanaya shacabka ay abaartu  samaysay.

 

Isku soo wada duub oo maaha markii ugu horaysay  ee ay ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI ay shacabka deegaanka gaadhsiiyaan  deeqo raashin ah tan iyo intii ay si dhab ah u hirgaliyeen xasilinta amniga deegaanka waxa ay u jahaysteen in ay ka qaybqaataan hirgalinta  qorshayaasha kale oo dhinaca horumarka