Tababarkii hogaaminta sare oo la soo xidhay.

Jigjiga(CN) sabti,5,December, 2015,   Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay xarunta deegaanka ee jigjiga, tababar mudo 5 maalmood ah u socday hogaaminta sare ee DDSI. Tababarkaasi   oo ay fulintiisa iska kaashadeen golaha fadereshinka   forum  federation iyo center of creative leadership ayaa waxa ay   ujeedadiisu ahayd in ay hogaaminta sare fahan buuxa ka qaatan  nidaamka faderalisamka iyo  hogaaminta suuban:- federalism and the democratization process , leadership essentials and models, principles of federalism, fiscal federalism and inter governmental fiscal relationship,  management and resolution mechanisms.  

 

Waxaana tababarkan xidhitaankiisii ka hadlay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq oo ugu horayntii u mahad celiyay golayashan soo diyaariyay tababarka  wuxuuna si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay iyo in ay muhiim tahay in ay hogaaminta sare fahan buuxo ka qaadato nidaamka federalism isaga oo  afhayeenku ka warbixiyay in nidaamka fadarelism yahay midka salka u dhigay  qoomiyadaha, shucuubta iyo dadyawga dalkeena itoobiya in ay  yeeshaan hal bulsho oo leh dhismo siyaasadeed dhaqaale, taabo galinta nabadgalyo waarta hiigsiga iyo gaadhida horumar buuxa, helitaanka  nidaam dimuqoraadiyadeed oo leh damaanad waarta iyo waliba xaqiijinta sinaanshaha qoomiyadaha. Wuxuuna afhayeenku tilmaamay in tababarkan la gaadhsiintoono dhamaanba hogaaminta heerarkeeda kala duwan ee deegaanka.