MW CMC Oo Gambella U Ambabaxay

Addisababa(CN) Axad, 6dii Decmber 2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada mudane Mowliid Haayir Xasan, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, iyo mas’uuliyiin kale ayaa saaka kaduulay gagida diyaaradaha ee xarunta deegaanka iyagoo u ambabaxay dhanka deegaanka Gambella.

Hadaba, madaxwaynaha iyo waftiga uu hogaaminayo oo ujeedada socdaalkooda yahay inay kaqaybgalaan xuska 10,aad ee 29ka Hidaar ee maalinta qowmiyadaha iyo shucuubta dalka oo uu martigalinayo deegaanka Gambella ayaa caawa transit ku ah xarunta dalka ee Addisababa iyagoo maalinta bari ah uga ambabixi doona dhanka gambella.