Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wafti masuuliyiin heer deegaan ah oo u anbabaxay Somaliland.

Jigjiga(CN) Isniin, December, 7, 2015 Wafti balaadhan oo ah masuuliyiinta sare ee  xukuumada DDSI  ayaa maanta u anbabaxay xarunta Somaliland ee hargaysa. Waftigan   oo uu hogaaminayay wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudane khadar cabdi ismaaciil ayaa waxaa ku wehelinayay masuuliyiinta ay ka mid ka yihiin  wasiirka  cadaalada iyo xeer ilaalinta  guud ee DDSI mudane cabdijamaal axmed  qolonbi, wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada DDSI mudane axmed maxamed koore, maareeye ku xigeenka ahna ku simaha maareeyaha qurba joogta DDSI mudane cabdi  khaliif buraale  (dhoonbe), wasiir ku xigeenka arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska DDSI mudane baashe cabdi ismaaciil iyo waliba maareeyaha kuliyada tababarka macalimiinta Dr cabdimajiid xuseen mudane maxamuud axmed nuur (heeryo)

  waftigan oo ay ujeedada socdaal koodu tahay  si dii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya soomaliland iyo itoobiya gaar ahaan dawlada deegaanka somalida itoobiya iyo waliba in ay jahliyada  itoobiya ee ku nool Somaliland kala qaybgalaan munaasabada xuska maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta  itoobiya 29 ka hidaar.

 

 Haddaba waftigan ayaa  markii ay gaadheen magaalada wajaale daanta Somaliland waxaa siwayn ugu soo dhaweeyay wafti balaadhan oo ah, masuuliyiinta Somaliland oo uu hogaaminayay wasiirka wasaarada cadaalada  Somaliland mudane axmed faarax cadare oo ay ku wehelinayaan  wasiirka madaxtooyada Somaliland mudane maxamed muuse, wasiir ku xigeenka wasaarada amniga mudane maxamed muuse, gudoomiyayaasha gobolada gabilay iyo awdal, agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta Somaliland mudane maxamed cilmi (ilka case)