Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Raisal-wasaaraha Dalka Oo Gambella Soo Gaadhay

Gambella(CN) Talaado, 8dii December 2015, waxaa maanta niskii danbe gagida diyaaradaha ee gambella soo gaadhay raisal-wasaaraha dalka mudane Hailemariam Desalegn iyo wafti uu hogaaminayo.

Rasial-wasaare Hailemariam Desalegn ayaa waxaa ggaroonka si diiran ugu soo dhaweeyay madaxwaynaha dawlada deegaanka gambella mudane Gatluak Tut Khot, mas’uuliyiinta deegaanka, shacabwaynaha gambella iyo waliba kooxaha fanka iyo suugaanta ee deegaankaasi. Islamarkaana Raisal-wasaaraha ayaa socod ay salaani weheliso kumaray dhamaan shacabwaynaha iyo soo dhaweeyayaashii kaladuwanaa.

Kadibna, waxaa raisal-wasaaraha iyo wafitgiisaba loo gudbiyay guriga nasashada ee goobtaasi iyagoo nasasho kadibna soo indha-indheeyay magaalada.

Ugudanbayna, raisal-wasaaraha iyo waftigiisa ayaa loo dheelmiyay guriga martida iyagoo maalinta bari ah si wayn uga qayb qaadan doona xuska 10,aad ee maalinta qowmiyadaha iyo shucuubaha dalka ee 29ka Hidhaar.