Degmada aware oo si balaadhan looga xusay xuska 10ad ee 29ka hidaar.

Awaar(CN) arbaca, 9,  December 2015, Iyada oo guud ahaanba maanta deegaanka gobolada iyo degmooyinkaba siwayn looga xusayo munaasabada  10 jirsatay ee xuska 29ka hidaar ayaa waxaa ka mid ahaa  degmooyinka sida balaadhan looga xusay degmada awaare ee gpobolka jarar  iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha shabakada wararka ee cakaaraNews  u fadhiya gobolka jarar  ayaa saaka kala qaybgalay munaasabada siwayn loo soo agaasimay  oo ay soo diyaariyeen maamulka degmada awaare oo ka dhacday barxada waynee magaalada Awaare wuxuuna sheegay wariyuhu in saaka subixii hore ay dadwaynaha ku nool magaalada awaare in ay iyaga oo raxan raxan u socda oo wada calamaanta dalka iyo deegaanka iyo boodhan ay ku qoran yihiin halku dhiyo ka turjimaya ahmiyada munaasabada oo ay horkacayaan maamulka degmada oo uu ka mid yahay gudoomiyaha degmada awaare mudane cabdiwahaab maxamed shurgi  ay  soo qul quleen madasha ay munaasabadu ka dhacaysay kuwaasi oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaana madashaasi ugu horayntii kula hadlay bulshada  gudoomiyaha degmada awaare ee gobolka jarar mudane cabdiwahaab maxamed shugi oo ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay xusitaanka munaasabadani wuxuuna shacabka uga waramay ujeedooyinka aqoodooyinka ay wadaagaan dhamaanba qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya kuwaasi oo buu yidhi gudoomiyuhu rabitaankooda iyo raalinoqoshodooda ku samaystay dastuurka qaranka ee ka dhexeeya dhamaanba qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya kana turjimaya sinaanshaha qoomiyadaha saraynta sharciga ka faa-iidaysiga hawlaah horuamrka, isaga oo gudoomiyuhu hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu  tulmaamay dhibaatooyinkii iyo cadaadiskii hore u soo daashaday shacabka deeganka iyo heerka horumarineed ee maanta la taagan yahay.

Waxaa kale si meeqaam sare looga xusay munaasabadan tuulooyinka hoos yimaada degmada awaare ee gobolka jarar oo ay ka mid tahay tuulada gurtumi halkaasi oo ay shacabka tuuladaasi kula xuseen saraakiisha ciidamada gaarka ah rijimantiyada 13aad iyo 8aad waxaana halkaasi hadalo ku qotoma ahmiyada xuskan ka soo jeediyay komanderka ciidanka gaarka ah ee rijimantiga 13aad shaalaqe Aadan shaafi  iyo shaalaqe suldaan oo ah rijimantiga 8aad kuwaasi oo si qoto dheer ugu nuux nuuxsatay soonyaalkii taariikheed ee dalka iyo deegaankuba soo mareen gaar ahaan cadaadiskii iyo cabudhiskii ay shacabka ku soo hayn jireen xukuumadihii boqortooyada iyo tii dhiigyo cabka ahayd ee dhergiga iyo sidii layskaga dulqaaday heergaydii cadaadiska iyo waliba horumarka iyo xasiloonida hada ka taamyeeshay deegaanka