Awbare iyo munaasabada xuska 10aad ee 29ka hidaar.

Awbare (CN) arbaca,  9, December, 2015, Waxaa si  istaba joog ah ugu soo dhacaya kaydka xog ururinta shabakada wararka cakaanaNews wararka ka imanaya degmooyinka iyo gobolada deegaanka  kuwaasi oo ku qotoma sida meeqaam ka sare ee looga xusay deegaanka munaasabada xuska 10aad ee 29ka hidaar.

Waxaana munaasabada si heer sare ah  loo soo agaasimay ka dhacday  degmada awbare ee gobolka faafan  taasi oo ay maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si balaadhan iskugu soo baxeen goobtii lagu xusayay munaasabadan.

Waxaana ugu horayntii la  hadlay bulshada gudoomiyaha maamulka degmada awbare mudane maxamed cabdi faarax, oo si qoto dheer uga hadlay ahmiyada ay leedahay munaasabadani isaga oo iftiimiyay horumarka nabadgalayda iyo kor u qaadida koboca dhaqaalaha ee sida balaadhan uga hirgalay guud ahaanba dalka iyo deegaankaba taasina ay salka ku hayso midnimada qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya. Wuxuuna ka warbixiyay marxaladihii kala duwanaa iyo isbadalkii dalku soo maray iyo farqiga wayn ee u dhexeeya itoobiyadii hore ee ragaadisay boqnahana haysay  qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya,  iyo itoobiyada cusub  ee hirgalisyay in ay qoomiyadaha itoobiya kuwada xusaan maanta horumar iyo xasilooni buuxda .

Dhankooda waxaa kale oo ka hadlay xuskan hogaanka nabadgalayda degmada awbare iyo madaxa xafiiska maaliyada degmada awbare kuwaasi oo ku dheeraatay ahmiyada ay leedahay maalintani sheegayna in ay maanta si balaadhan loogu dabaaldagayo munaasabadan guud ahaanba dalka iyo deegaanka  horumar buuxa iyo xasiloonitaamka lana sii joogtaydoono.

 

Munaasabadan oo ay kooxaha dhaqanka ee degmada awbare ku soo bandhigayeen ciyaaro dhaqameed ku salaysan ahmiyada ay maalintani leedahay ayaa Qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan   magaalada awbare ayaa ka hadalay   madashaasi kuwaasi oo dhamaantood ku dheeraaday meeqaamka ay leedahay xusitaanka munaasabadani tahayna maalin ku wayn quluubta iyo qalbiyada qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya.