Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

kulan Tashi ah oo ka Qabsoomay Xafiiska Caafimaadka heer Deegaan

Jijiga(CN) Jimce, 11 Dec 2015, kulan lagaga tashanayay sidii kor loogu qaadi lahaa adeega xarumaha caafimaad ee deegaanka ayaa saaka ka qabsoomay guriga shirarka ee xafiiska caafimaadka DDSI.

kulankan oy kasoo qayb galeen agaasimada xafiiska caafimadka,isku xidhayaasha gobolada ee caafimadka, khabiirada iyo haayadaha bahwadaagta la ah xafiiska, ayaa waxa ugu horayntii ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka mudane Cabdifataax Siciid, isagoo sheegay in ujeedada kulankan yahay sidii kor loogu qaadi lahaa dhamaan adeega xarumaha caafimaad ee deegaanka,si taas u hirgashana tahay in hoos loo dhaadhiciyo dhamaan agaasimada xafiiska caafimadka,qaar kamid ah khabiirada,isku xidhayaasha gobolada,iyo haayadaha bahwadaagta la ah, oo mudo 3 bilood ah kasoo shaqeyn doona dhamaan xarumaha caafimaad ee gobolada.

sidoo kale waxaa iyana ra yigooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayasha kulanka iyagoo sheegay inay ku faraxsanyihiin inay u soo shaqeeyaan shacabkooda.

gabagabadii wuxuu wasiirku kula dardaarmay kooxahan inay usoo shaqeeyaan si muwaadinimo ku jirto isagoo usheegay in markii lasoo dhameeyo shaqada la isku qiimayn doono koox kasta waxqabadkii ay soo qabteen mudadii shaqada.