Xafladaha lagu soo dhawaynayo waftigii DDSI.

Hargaysa(CN) jimce 11ka December, 2015 Waxa Maanta Hadhimo Sharafeed si heer sare ah loo soo agasimay  loo  sameyay waftigi uu  hogaminayay Wazirka Ganacasiga Iyo Gadiidka DDSI Mudane Khadar Cabdi Ismacil.waxaana xafladan  hadhimo sharafeedka ah ee  lagu maamuusayo soo dhawaynta  waftigan u sameeyay,  Kusimaha Maayorka ahna mayor ku xigeenka  Casimada Hargaysa  Mudane Cabdicasis Maxamed Xaashi. Iyada oo ay xaflada  hadhimo sharafeedaasi ka soo qaybgaleen golaha wasiirada Somaliland iyo qaarka mid ah golaha xildhibaanada Somaliland.

Hamidho shafadeedkan ka dib waxaa warbixin dheer oo mahad naq ah ka soo jeediyay Wasirka Cadalada Iyo Xeerilaalinta Guud ee DDSI Mudane Cabdijamal Axmed Qolombi isaga oo wasiirku si qoto dheer uga hadlay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo dawlada deegaanka soomalida itoobiya iyo taabo galinta sii xoojinta xidhiidhkaasi labada dal.

Sidoo kale waxaa ka hadlay xafladii hadhimo sharafeedka  ku simaha maayirka ahna mayor ku xigeenka caasimada hargaysa mudane cabdicasiis  maxamed xaashi isaga oo ugu horyntii ka soo jeediyay madashaasi hadalo soo dhawayn ah sharax dheerna ka bixiyay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya deegaanka somalida itoobiya iyo Somaliland gaar ahaan  ka dhexeeya labada caasimadood ee hargaysa iyo Somaliland.

Iyada oo si balaadhan oo aan loo kala hadhin loo soo dhaweeyay waftigan DDSI ayaa waxaa sidoo kale maalintii shalay hadhimo sharafeed u  sameyayay  waftigan DDSI Wasirka wasaarada  Cafimaadka Somaliland Mudane Sulayman Ciise Axmed (Xagalatoosiye) iyo Wazirka wasaarada  Khayradka Biyaha Somaliland Mudane Baashe.

Sidoo  kale waxaa caawo waftigan  DDSI ee uu hogaaminaya wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane khadar cabdi ismaaciil  xaflada  Casho Sharaf u sameyay Wasirka wasaarada  Warshadaha Somaliland Mudane Shucayb  maxamed  muuse xafladaasi oo ka dhacday maansoor huteel hargaysa.

.