Madaxweynaha Somaliland oo waftigi DDSI ku qabilay Xarunta Madaxtoyada Somaliland.

Hargaysa (CN) sabti, 12, December, 2015, Waxa maalmihii ugu danbeeyay ku sugan xarunta Somaliland ee hargaysa wafti balaadhan oo ah masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI, waftigaasi oo hogaaminayo wasiirka gaadiidka iyo ganacsaiga DDSI mudane khadar cabdi ismaaciil ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay mudadii ay joogeen xarunta Somaliland kuwaasi oo kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiinta sare ee Somaliland iyo jahliyada itoobiya ee ku nool caasimada hayrgaysa.

 

Haddaba madaxwaynaha Somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo ayaa xarunta madaxtooyada Somaliland  ku qaabilay waftigii xukuumada DDSI halkaasi oo ay ku yeesheen kulan balaadhan oo lagu qorfaynayay sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeyay somaliland iyo itoobiya gaar ahaan DDSI.

Madaxwaynaha somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo ayaa kulankaasi ka soo jeediayay warbixin dheer oo uu ku soo dhawaynayo waftigan kuna qotonta xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya  labada dal.

Madaxwayanaha somaliland isaga oo ka hadlaya arimahaasi waxa uu yidhi”ugu horayntii waxaan idiinku mahad naqayaa imaan shaha aad noogu timaadeen somaliland sharaf wayn ayay iitahay in aan maanta idinku qaabilo qarsiga madaxtooyada somaliland

Marka labaad waxaan idiinku hanbalyaynayaa munaasabada xuska 10aad 29ka hidaar ee maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya ee aad kala soo qaybgasheen jahliyada itoobiya ee ku dhaqan somaliland,sidoo kale waxaan idiinku halbalyaynayaa isbadalka balaadhan ee horumarineed nabadgalyo ee sida buuxda uga hirgalay dawlada deegaanka  somalida itoobiya 

Mudanayaal;- Dawladda aan madaxda ka ahay waxa ka go'an in ay xoojiso xidhiidhka iyo wada-shaqaynta dalka aanu deriska nahay ee Ethiopia, gaar ahaan Dawlad Deegaanka somalida itoobiya ee aad masuuliyiinteedii tihiin,

Haddaba, si aynu u xaqiijino is-kaashiga siyaasadeed, nabadgelyo iyo kan dhaqan-dhaqaale ee inaga dhaxeeya, waxa waajib ah in aynu xoojinno, isla markaana dhinac uga soo wada jeedsanno meel marinta iyo fulinta  arrimahan  ay ka mid yihiin Adkaynta Nabadgelyada Xuduudaha. La-dagaalanka Kooxaha Argagixisada, Is-dhaafsiga Xogaha Cadowga Nabadda,Isu-celinta Danbiilayaasha Labada Dal Ka Soo Firxada, Dhiiri-gelinta Ganacsiga iyo is-dhexgalka Bulshada.

Ugu danbayn, waxaa bud-dhig iyo ballan inoo ah in aynu si wada jir ah uga wada shaqayno wada-jirka, walaalnimada iyo wada noolaanshaha bulsho weynta aynu madaxda u nahay;

Mar kale waxaan jecelahay in aan idiin mahadnaqo imaatinkiina, farriini waa qaan ee salaan iga gaadhsiiya Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Is-maamulka Soomaalida Ethiopia Mudane, Cabdi Maxamuud Cumar iyo shacabka DDSI

Dhankiisa wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudane khadar cabdi ismaaciil oo ku hadlayay afka waftiga iyo kan xukuumada DDSI ayaa si qoto dheer ugu hadlay sida sharafta iyo karaamada leh ee ay xukuumada somaliland iyo shacabka somaliland u soo dhaweeyeen uma mahad celiyay madaxwayanaha somaliland ee maanta ku qaabilay wafigan qarsiga madaxtooyada somaliland. Wuxuna sheegay in ay xukuumada DDSI iyo tan talka itoobiyaba ka go’antahay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya isaga oo ku dheeraaday wasiirka sii xoojinta iyo awood siinta xidhiidhka ganacsiga ee ka dhexeeya deegaanka iyo somaliland.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd xoojinta xidhiidhka labada ayaa ku soo dhamaaday weji wanaagsan iyo Isfahan buuxa, iyadoo madaxweynuhu hadyad ka kooban Astaanta Qaranka Somaliland gudoonsiiyey weftiga oo uu hogaaminaayey Wasiirka Ganacsiga Dawlad deegaanka Soomaalidu.

-