Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan lagu qiimaynayay xoojinta hirgalinta maamulka suuban.

Jigjiga(CN) Sabti, 12, December, 2015, Kulan-kan qiimaynta ah oo uu soo diyaariyay xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI ayaa loo qabtay xafiisyada heer deegaan, waxaana lagu qiimayanay heerka fulineed ee xafiisyada heer deegaanka ka taagan yihiin adkaynta iyo meelmarinta xidhmaha maamulka suuban, barnaamijyada dib u habaynta geedi socodka shaqada (BPR), nidaamka ciidanka horumarka ee xafiisyada heer deegaan iyo  hirgalinta axdiga muwaadiniinta.

Waxaana ugu horayntii ka hadashay kulankaasi qiimaynta ah wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI marwo maajida maxamed maxamuud, oo sheegtay in kulankan diirada lagu saarayo heerka ay xafiisyada heer deegaan ka taagan yihiin fulinta qorshayaashii la kala qaatay bilowgii sanadkan  kaasi oo ahaa adkaynta hirgalinta maamulka suuban iyo aaladaha barnaamijka dib u habaynta geedi socodka shaqada, rifoomka(BPR,BSC) saarida dulsaarnimada, ciidanka hormarka iyo axdiga muwaadiniinta.

Waxayna sheegtay wasiiradu in sanadkan bilowgiisii uu  xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI daraasaad ku sameeyay 40 xafiis oo heer deegaan ah, 120 xafiis iyo 120 tuulo oo ka jira  40 degmo in lagu qiimeeyay heerka fulinta xidhmaha maamulka suuban, barnaamijyada dib u bahaynta BPR ka BSC nidaamka ciidanka horumarineed halka ay ka marayaan hirgalintiisa,  ka dibna la kala qaatay qoshayaal lagu dar dargalinayo gol-dalooladii jirtayna lagu gufaynayo, kulankan maanta qiimayntuna yahay mid diirada lagu saarayo heerka ay xafiisyada heer deegaan ka taagan yihiin  fulinta qorshahaasi hore loo kala qaatay.

 

Isku soo wada duub oo xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI ayaa dadaal xoogan ugu jira meel-marinta qorshayaasha horumarineed, adkaynta iyo awood siinta heerka kobcinta iyo fahanka hogaaminta ee heerka dhaqan galinta qaab dhismeedka maamulka suuban ee heer deegaan degmo ilaa tuulo , hirgalinta  dib u habaynta geedi socodka shaqada BPR,  xididada u saarida ilaha dulsaarnimada.