Waftigii DDSI oo lagu soo sagootiyay hilbo wada dhashiyo hayb qudhaynu-nahay.

Jigjiga(CN) Axad, 13ka December, 2015 Waxaa maanta dib ugu soo noqday xarunta deegaanka ee jigjiga wafti balaadhan  oo uu hogaaminayay wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudane khadar cabdi ismaaciil. Waftigaasi  oo maalmihii ugu dabeyay socdaal ku joogay  xarunta somaliland ee hargaysa.

Waftigan ayaa saaka ka soo kicitimay xarunta somaliland ee hargaysa, iyada oo xaflada hadhimo sharafeed ah loogu sameeyay magaalada gabilay ee xarunta gobolka gabilay,  xafladaasi  hadhimo sharafeedka ah ayaa waxaa ku casuumay  waftigan gudoomiyaha gobolka gabilay  Mudane Mustafe Cabdi Ciise (Shiine).

Hadhimo sharafeedka ka dib ayaa waftigan waxa  soo sagootiyeen qaarka mid ah golaha wasiirada somaliland oo ay ka mid yahay  Wasiirka wasaarada  Cadalada Somaliland Mudane Axmed Cadare, gudoomiyah  Gobalka Gabilay Mudane Mustafe Cabdi Ciise(Shiine), iyo Agasimaha Guud Warfafinta Somaliland Mudane Maxamed Cilmi (ilkacase) kuwaaso oo soo gaadhsiiyay waftigan  magaalada wajaale oo ee ku taala xuduuda labada dal.

 

Waftigan DDSI iyo masuuliyiintii soo sagootiday ayaa saxaafada warbixin ku siiyay magaalada wajaale kuwaasi oo si qoto dheer uga warbixiyay guulaha uu socdaalkii waftigu ku soo afmeermay.