Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Jidka lafaciise dharwanaaje ilaa gogti oo meel fiican maraya.

Lafaciise (CN) Isniin, 14 ka, December, 2015, Wasiirka xafiiska jidadka DDSI mudane cabdiraxman maxamed ayaa kormeer shaqo ku soo maray mashruuca samaynta jidka isku xidha lafaciise, dharwanaaje ilaa gogti  oo ka mid ah san-tarada hoos miyaada  degmada Awbare ee   gobolka faafan.  jidkaasi oo dherarkiisu dhan yahay 99KM, kana mid ah mashaariicaaha horumarineed ee sanadkan la bilawday.

Kormeerkan shaqo ayaa waxaa wasiirka ku hewelinayay masuuliyiinta maamulka degmada awbare oo uu ka mid yahay gudoomiyaha degmada awbare mudane maxamed cabdi faarax,waxayna ku guur galeen geedi socodka shaqo ee marshuucan iyo heerka uu taagan yahay.

Wasirka jidadka DDSI mudane cabdiraxmaan maxamed oo goobtan ay shaqadu ka socoto kula hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in  mashruucan samaynta jidkan isku xidha lafacise, dharwanaaje ilaa gogti uu ka mid  yahay mashaariicaha horumarineed ee u qorshaysan in ay xukuumada DDSI  hirgaliso gaar ahaan xafiiska jidadka, isaga oo  sheegay in uu hadda jidkani bilow fiican marayo, dadaal xoogana loogu jiro sidii loo dhamays tirilahaa.

 

Isku soo  wada duub oo jidkan ayaa qaybka ah mashaariicaha horumarineed  ee qorshaha sanadka 2008TI iyo bilowga qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaha ee jaan-qaadka 2aad (GTP2). Waxaana xusid mudan in ay qabaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmad awbare gaar ahaan santarada uu isku xidhayo jidkani ay siwayn u soo dhaweeyeen ugu mahad naqeen xukuumada hirgalisaysa jidkan oo siwayn u sahlidoona isku socodka bulshada.