Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

MW CMC Oo Raashin U Xamaalaya Bulshada Xaariso

Xaariso(CN)  Talaado, 15ka December 2015, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftiguu horkacayay ayaa saaka raashin deeq ah gaadhsiiyay bulshada ay abaartu saamaysay ee dagan qabalaha xaariso ee degmada Hadhagaala ee gobolka Sitti.

Madaxwaynaha ayaa ugu horayn xubnihii heer deegaan, heer gobol, heer degmo iyo ciidanka gaarka ah ee goobtaas joogay usheegay inay bulshada qabalaha xaariso dagan ay uxamaalaan raashinka isagoo waliba hormuud u noqonaya xamaalida dajinta raashinkaas.

Hadaba, bulshada qabalahan ayaa loo dajiyay loona qaybiyay raashin deeq ah oo kakooban 600 oo kiish oo isugu jirta bur, bariis, sonkor iyo waliba 2,500 oo caanaha laqaso ah nooca loo yaqaano Anchorta.

Kadibna waxaa lasii maray tuulooyin ay kamid yihiin: gurgur, harawa, gabi iyo qaar kale iyadoo tuulada gabi xadhiga laga jaray xarun caafimaad oo standardka caadiga ah ugu adeegi doonta bulshada oo waliba ah goob horay looga qoday ceelal tiro badan oo looga faaiidaysanayo nidaamka dib u dajinta xoolo-dhaqato beeralayda.

Wakhtigii tuulooyinkan lamarayay ayuu madaxwaynuhu dadkii abaaruhu saameeyeen, dadka dagan agagaarka wadada ee danyarta ah iyo socotadaba ugu qaybinayay biyo, buskud, sonkor, timir iyo bariis.

Ugudanbayna, madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa kudheelmaday magaalada diridhaba.