Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wacyigalin La Dagaalanka Ganacsiga Sharci Darnada ah.

Fiiq (CN) ,Arbaco,16ka December, 2015, Ku simaha gudoomiyaha gobolka Nogob ahna madaxa xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka ee gobolka mudane Maxamed Badal Muxumed, ayaa shir wacyigalin ah oo ku saabsan la dagaanka ganacsiga  sharcidarnada ah u gabtay ganacsadada ku nool magaalada fiiq ee xarunta Gobolka Nogob.

Ku simah gudoomiyaha ayaa sharax dheer ka siiyay ganacsatada nidaamka sharciga ah ee ganacsiga deegaanka iyo dalkaba, kor u qaadida  ganacsiga sharciga ah iyo dhibaatooyinka halista ah  ee uu leeyahay ganacsiga sharci darnada ah.

 

Dhankooda ganacsatada ku dhaqan magaalada fiiq ayaa soo  dhaweeyay kulankan wacyigalinta ah ee ku qotoma la dagaalanka iyo ka hortaga  ganacsiga sharci darnada ah kuwaasi oo sheegay in ay si buuxda u meel marinayaan ka hortaga iyo la dagaalanka ganacsiga aan sharciga ahayn, siina xoojinayaan nidaamka horumarinta ganacsiga sharciga ah.