Hirgalinta qorshaha koboca isbadalka dhaqaalaha ee jaan-qaadka 2aad.

Jigjiga (CN), jimce 18ka  December, 2015,  Waxaa maanta lagu soo gabagabeeya xarunta deegaanka ee jigjiga, kulan mudo 5 maal-mood ah ka socday hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI. Kulankaasi ayaa waxa ay  ujeedadiisu ahayd sidii loo    tafatirilahaa  Qorshaha Koboca iyo isbedelka dhaqaalaha jaaq-qaadkiisa  labaad (GTP II).

Kulankan oo uu soo diyaariyay Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha DDSI ayaa waxaa loo hayay xubno ka socday xafiisyada heer deegaan oo ah khabiiradii ku hawlanaa diyaarinta Qorshaha GTP II ee heer  Deegaan.

Waxaana  Kulankan xidhitaankiisa uu ka hadlay Wasiir ku xigeenka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha ee DDSI mudane Jamaal Faarax Warmooge oo  u  mahad celiyay ka qaybgalayaasha hawshii muhiimka ahayd ee ay hayeen ee tifatirka iyo turxaan bixnta Qorshaha GTP II ee DDSI mudadii uu kulankani socday,wuxuuna ka warbixiyay wasiir ku xigeenku tadaaladii adkaa ee loo soo maray sidii loo meel marinlahaa qorshahan, isaga oo tilmaamay in Qorshahan diyaarintiisa lagala tashaday, isla markaana loo  qaybgeliyay  bulshada qaybaheeda kala duwan sida; Haweenka, Dhalinyarada, Duqayda, Waxgaradka, Culima udiinka, bulshada xoolo-dhaqatada iyo Xoolo-dhaqato beeralayda iyo sidoo kale aqoon yahanka,  iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay,  maadaama ay yihiin Xooga ugu muhiimsan ee fulinta iyo ka faa’iideysiga Qorshahan. Waxaa kale oo uu Wasiir ku xigeenku sheegay in Qorshahan gashi looga dhigay, waxqabadkii iyo casharadii laga bartay mudadii la fulinayay Qorshihii GTP I ee DDSI ee shantii sano ee la soo dhaafay oo guulo waawayn oo lagu diirsaday laga gaadhay iyo in Qorshahan lagu saleeyay baahida dhabta ah iyo xaalada dhaqan dhaqaale ee bulshada Xoolo-dhaqatada iyo Xoolo dhaqato beeralayda ah ee DDSI, si loo cidhibtiro saboolnimada, isla markaana noloshooda kor loogu qaado iyada oo la  waafajinayo qorshaha koboca isbadalka dhaqaalaha GTP2 ee heer  federal.

 

 

 

Kulankan ayaa mudadii uu socday waxaa la iskula gorfeeyay lagana dooday Jihooyinka iyo Yoolasha horumarineed ee Qayb kasta (Sector) oo Xafiisyada heer degaan ah, iyada oo la waafajinayay Jihooyinka iyo Ujeedooyinka horumarineed ee Qorshaha Koboca iyo isbedelka dhaqaale jaan-qaadkiisa labaad (National GTP II) ee heer Qaran iyo Yoolasha lagu hiigsanayo Horumar waaraya (SDGs) ee heer caalami.