MW CMC Oo Kadagay Xarunta Dalka

Addisababa(CN) Isniin, 21ka December 2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  oo ay weheliyaan afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, madaxwayne kuxigeenka ahna madaxa xarunta dhexe mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo saaka ka ambabaxay xarunta deegaanka ee jigjiga ayaa kadagay gagida diyaaradaha ee xarunta dalka ee Addisababa-Bole International Airport.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa kaqaybgali doona shir maalinta bari ah bilaaban doona oo kusaabsan arimaha horumarka guud, guulaha iskufilaanshaha horumarka(SDG) iyo xaalada guud ee dalka.