Ogaysiis Muhiim Ah Jahliyada Edmonton.

Edmonton(CN) 21ka, December, 2015, Waxaan la ogaysiinayaa dhamaan  jahliyada DDSI ee ku nool magaalada Edmonton ee gobolka Alberta  wadanka Canada in  ay ka soo qaybgalaan munaasabada loogu dabaal dagayo sanad  guuradii 3 jirsatay ee jahliyada Edmonton.

Haddaba waxaa munaasabadan loogu dabaal dagayo sanad guurada 3aad ee jahliyada edmoton la qaban doonaa 26ka December,2015,  oo ku beegan maalinta sabti da ah. Waxayna ka dhicidoontaa VOTA Hotel 159 airport,NW edmoton AB T5G OW6, saacaduna waa 5:00 PM ilaa 1:00 AM.

Wixii faah faahin ah kal xidhiidh tilifoonada kala ah:- 780, 607,0222 ama 780,607,4480