Xafiiska caafimaadka DDSI oo kulan la yeeshay 253 xubnood oo tababar u soo dhamaaday.

Jigjiga (CN) isniin, 21,  December, 2015, Xafiiska caafimaadka DDSI ayaa kulan la yeeshay 253 xubnood oo  tababar ku soo dhamaystay  5 jaamacadood oo ka mid ah  jaamacadaha dalkeena itoobiya. Xubnahan oo ahaa madax xafiiseedada  xafiisyada caafimaadka ee degmooyinka, maamulada magaalooyinka, masuuliyiinta  xarumaha caafimaadka deegaanka, khabiiro  ka socday xafiisyada  caafimaadka degmooyinka iyo kan heer deegaanka waxaana tababarkaasi  oo ay soo diyaarisay wasaarada caafimaadka ee JDFI ayaa waxaa loo qabtay dhamaanba deegaanada dalkeena itoobiya ee  sector  caafimaadka. Waxayna tababarkasi ujeedadiisu ku qotontay xoojinta maamulka suuban ee hogaaminta caafimaadka iyo  fulinta qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha ee jaan-qaadka 2aad  (GTP2 )  gaar ahaan sectorka caafimaadka.

Haddaba kulankaa la la yeeshay xubnahan tababarku u soo dhamaaday oo ka dhacday hoolka shirarka ee xafiiska haweenka iyo caruurta DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiir ku xigeenka xafiiska madaxtooyada DDSI mudane Deeq Cabdilaahi Buraale, ku simaha wasiirka caafimaadka DDSI ahna agaasinka waaxda qorshaynta ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil, isku duwaha guud ee mashruuca caafimaadka hooyada iyo dhalaanka  (RIF)ee xafiiska caafimaadka  mudane Shaafici Daahir Muuse iyo masuuliyiin kale.

Waxaana ugu horaynii kulankaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka xafiiska madaxtooyada DDSI mudane Deeq Cabdilaahi Buraale oo sheegay in xukuumada DDSI ahmiyad gaar ah siisay tayaynta adeegyada caafimaadka iyada oo diyaarisya ayuu yidhi qorshayaal badan oo kor loogu qaadayo adeegyada caafimaadka ee deegaanka, wuxuuna sheegay wasiir ku xigeenku in qorshayaashi hirgalintiisa  ay sal u tahay xoojinta iyo awood siinta hogaaminta iyo shaqaalaha caafimaadka oo leh aragti horumarineed, kana midho dhaliya  qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha jaan-qaadka 2aad (GTP2). Wuxuuna kula dar daarmay wasiir ku xigeenku hogaaminta caafimaadka in ay sidii loogu talagalay u hirgaliyaan uguna adeegaan bulshada aqoontii ay ku soo barteen mudadii uu tababarku u socday.

Ku simaha wasiirka xafiiska caafimaadka ahna agaasinka qorshaynta mudane xasan ismaaciil  oo ka hadlay kulankaasi ayaa si qoto dheer ula dar daarmay hogaaminta caafimaadka isaga oo  ka warbixiyay istaraatajiyadaha horumarineed  ee u yaala sectorka caafimaadka wuxuuna sheegay in ujeedada kulankaasi tahay sidii hogaamintan caafimaadka ee mudane 21 maal=mood tababarku uga socday qaarka mid ah jaamacadaha dalka loogula tar taarmilahaa sidii ay u meelmarin lahaayeen cilmigii ay soo barteen una gaadhsiin layaaheen dhamaanba xarumaha iyo guraga caafimaadka.

Mudane shaafici daahir muuse oo ah isku duwaha guud ee mashruuca caafimaadka hooyada iyo dhalaanka (RIF) ayaa sharax dheer ka bixiyay jihooyinka horumarineed ee wax lagaga qabanayo hoos u dhiga dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha (GTP2).