Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Midhaha Abuurka Dalaga Beeraha Oo Loo Raray Degmooyinka DDSI.

Jigjiga( CN) khamiis 24ka December, 2015, Wakaalada abuurka xulka beeraha iyo calafka xoolaha DDSI ayaa 59 degmo oo ka mid ah degmooyinka DDSI u daabushay midhaha abuurka xulka beeraha oo tayaysan, midhahaasi oo ay ka mid yihiin qabadinka, qalayda, hadhuudh yar yaraha, sin-sinta cad iyo dhamaan khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Haddaba maareeyaha wakaalada abuurka xulka beeraha iyo calafka xoolaha DDSI mudane Xasan Cabdiraxmaan Aadan  oo goobta laga rarayay midhahan abuurka beeraha kula hadlayay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay ujeedooyinka loo rarayo midhahan iyo degmooyinka la gaadhsiinayo.

Wuxuuna sheegay maareeyuhu in ay wakaaladu dadaal xoogan ugu jirto sidii loo xoojin lahaa dhinaca wax soo saarka beeraha bulshada beeralayda ahna looga xaqab tirilahaa midhaha abuurta talaga oo tayaysan  kaasi oo ay tayadiisa xaqiijisay ayuu yidhi khuburada cilmibaadhista wax soo saarka beeraha deegaanka, ayna yihiin midho ku  haboon habka beerista iyo cimilada deegaanka.wuxuuna sheegay maareeyuhu in midhahan la   daabulayo maanta  la  gaadhsiintoono 59 degmo oo ku yaala 9ka gobol ee DDSI isaga oo tilmaamay maareeyuhu in miisaaniyada laga soo iibiyay midhahan tayaysan tahay miisaaniyadii degmooyinku u qabsadeen  midhahan tayaysan.