Kulan Lagaga Hadlayay Sii Xoojinta Waxqabadka Mashruuca ICCM Oo Ka Dhacay Jigjiga.

Jigjiga(CN) khamiis, 24ka December, 2015, Xafiiska caafimaadka DDSI ayaa soo diyaariyay kulan lagu sii xoojinayay awooda waxqabad ee mashruuca isku dhafka  habka  maaraynta iyo la dagaalanka  cudurada ku dhaca caruurta da-doodu ka yar tahay 5 sano jir ee marka magaciisa la soo gaabiyo afka qalaad loo yaqaano (ICCM).ee xafiiska caafimaadka DDSI 

Kulankan oo loo qabtay madax xafiiseedyada xafiisyada caafimaadka ee  12 degmo, agaasinada xarumaha caafimaadka iyo shaqaalaha fidinta adeegyada caafimaadka ee ka hawlgala Rugaha caafimaada, ayaa  waxaa ka soo qaybgalay furitaankiisii kulanka   wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed , masuuliyiin ka socday hay’adaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI iyo agaasinada waaxaha kala duwan ee xafiiska caafimaadka DDSI.

Haddaba kulankaasi oo ay ujeedadiisu ahayd sidii diirada loo saarilahaa waxqabadkii sanadkii ugu danbeeyay ee mashruucan islamarkaana loo sii adkayn lahaa awooda wax qabadka mashruucan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay wasiirka  caafimaadka DDSI mudane Cabdifaraax Siciid Maxamed

Wuxuuna ka warbixiyay ahmiyada uu mashruucani leeyahay isaga oo sheegay in bulshada  qaybaha ugu nugul uguna baahida badan adeegyada caafimaadka yihiin caruurta iyo hooyada sidaasi darteedna ay xukuumada DDSI iyo xafiiska caafimaadkuba diirada saareen sidii loo xoojin lahaa qorshayaasha lagu tayaynayo   adeegyada caafimaadka  gaar ahaan kuwa caruurta iyo hooyada. isaga oo tilmaamay wasiirku in mudada uu socto kulankani lagu gorfayn-doona heerka waxqabadka mashruucan iyo tayada adeegyada caafimaad ee uu bixiyo,  Wuxuuna wasiirku ku booriyay masuuliyiinta iyo xirfadlayaasha caafimaadka in ay marka ay ku noqdaan goobahoodii shaqo ee mashruucani ka hawlgalo ay sidii loogu talagalay u hirgaliyaan waxqabadka mashruucan bulshadana u siiyaan adeeg caafimaad oo tayaysan.

Mashruucan oo tan iyo intii uu hirgalay wax badan ka qayb qaatay xoojinta iyo hirgalinta adeegyada caafimaadka caruurta ayaa waxa uu si gaar ah diirada u saaraa sidii loo  tir tirilahaa loogana  hortagilahaa cudurada ku dhaca caruurta, gaar ahaan cudurada ay ka  mid ka yihiin nafaqa darnada, shubanka, duumada iyo oof-wareenka.