Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

MW CMC Oo Ka Soo Dagay Xarunta.

Jigjiga(CN) jimce, 25ka December, 2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  iyo wafti uu hogaaminayo  oo ay  ka mid yihiin  afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, madaxwayne kuxigeenka ahna madaxa xarunta dhexe mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo maanta ka soo anbaxabay xarunta dalka ee Adiis ababa  ayaa ka  soo dagay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil-waal International Airport.  Jigjiga.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa ka qaybgalay shirkii lagaga hadlayay horumarka guud ee dalka oo  ka dhacay xarunta dalka ee Adiis ababa, shirkaasi oo si qoto dheer loogu lafa guray  iskufilaanshaha horumarka(SDG) islamarkaana  diirada la saaray heerka xawaaraha horumarka ee dalka iyo deegaanada dalka  ayaa  waxaa xusid mudan in deegaanka somalida itoobiya noqday deegaanada ugu horeeya dhinaca horumarka deg deg ah ku socto.