Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Gudoomiyaha Gobalka Nogob Ayaa Soo Kormeeray Dhismaha Biyo- xidheenka Tuulada Tukaale

Fiiq(CN)Sabti, 26 Dec 2015, Qorshayaasha dhanka biyaha oo ah mid DDSI muhiimad gaara siisay ayaa waxaa dhamaan deegaaanka, dagmo  kasta laga wadaa biyo-xidheeno kuwaasoo la rabo in looga faa’iidaysto dhanka waraabka beeraha iyo waraabka duunyada labadaba.

Sidaas darted, Guddoomiyaha Gobalka Nogob Mudane Axmed Aadan Axmed oo ay wahelinayaan qaar kamida maamulka degmada Fiiq ayaa komeer indho indhayna ku gaadhay biyo xidheenka laga fulinayo tuulada Tukaale oo ka tirsan degmada Fiiq.
 Gudoomiyaha gobalka nogob ayaa sheegay in  ujeedada kormeerkani ay tahay sidii ay ugu kuur gali lahaayeen heerka uu marayo biyo xidheenku islamarkaana inta laga dhamaystiri ay lasocon doonaan xaaladiisa.
 Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Fiiq Mudane Cabdi-qaadir  Maxamed Xasan oo kormeerayaasha ka mid ahaa ayaa sheegay in shaqada mashruucani yahay mid meel gabo gabo ah maraya islamarkaana ay ka warhayaan xaaladiisa maalinkasta