Wasiirka Wasaarada Arrimaha Haweenka & Caruurta Oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyay Xarunta DDSI ee Jigjiga

 

Jigjiga(CN) Sabti, 27 Dec 2015, Wasiirka Wasaarada Arimaha Haweenka & caruurta Marwo Senabu Tadhase ayaa maanta ka soo dagtay garoonka caalamiga ah ee Garaad Wiil Waal, waxaana sidiiran ugu soo dhaweeyay wasiirka Xafiiska Arimaha Haweenka DDSI Marwo Raxma suldaan Maxamud Haybe iyo masuuliyiinkale.

Ujeedada socdaalka wasiirada ayaa ahaa sidii ay kulamo aqoon is waydaarsi ah ula yeelan lahayd ururada fedareeshinka haweenka islamarkaana tababaro kalduwan loosiinlahaa si kor loogu qaado garaad kooda aqoomeed ee dhinaca hormarka, maamulka suuban iyo ciidanka hormar.

Hadaba wasiirada Arimaha Haweenka Heer federal Marwo Sanebu oo ka hadashay imaanshaheeda DDSI ayaa sheegtay, in ay aad ugufaraxsantahay imaanshaha deegaanka, ujeedada imaanshaheeduna yahay in ay lakulanto ururada federeeshinka aqoon iswaydaarsina ay layeelato.

Sidaas darted wasiirada ayaa la kulantay qaarkamida ururada fedhereshinka haweenka DDSI waxayna sheegatay in haweenku ay yihiin laf dhabarta bulshada, islamarkaana doorwayn kaqaadan karaan hormarka xawliga ah ee dalka ka socda, waxayna intaa kudartay in tababaro loo fidin doono dhamaan ururada haweenka federeeshinka ee ka aas aasan deegaanka soomaalida, tababaradaas oo isagu jira qorhayaasha dalku qaatay, maamulka suuban, iyo waliba ilaalinta xuquuqda caruurta,

Sidookale wasiirka arimaha haweenka DDSI Marwo Raxma Sudaan Maxamuud Haybe ayaa dhankeeda ka hadashaay oo til maantay in ururada haweenka larabo in ay door muhiima kaqaataan hirgalinta qorshaha kobaca isbadalka wajigiisa labaad, sidaas darteedna xooga lasaarayo kobcinta garaadkooda aqoomeed.