Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ol olaha Talaalka iyo Daawaynta Xoolaha Oo ka Bilowday Degmada Fiiq.

Fiiq(CN) Axad,27, December, 2015 Xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga ee degmada .fiiq ayaa ol-ole isugu jira talal iyo dawaynta xoolaha ka bilaabay dhaman ceelasha ay xoluhu isugu yimadaan ee degmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob.

Ololahan isugu jira talalka iyo daawaynta xoolaah ee uu soo diyaariyay xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer guraaga degmada fiiq oo ay fulinhayeen xirfadlayaasha isla xafiiskan  ayaa laga bilaabay dhamaanba ceelasha waawayn ee biyaha kuwaasi oo xiligan fadhiisin ay iskugu yimaadaan u ah dhamaanba xoolaha ku nool degmada fiiq sida:- Geela,  Loda iyo Adhiga.

Haddaba waxaa gaadhay goobta laga bilaabay talaalkan  iyo waawaynta qaarka mid ah  masuulinta degmada .fiiq, oo ay kamid ahaayen  gudoomiye, ku xigeenka degmada fiiq mudane Bishar Caliyaw  Iidaw  iyo madaxa xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga ee  degmada fiiq.marwo Sacda shekh Maxamed.

Masuuliyiintaasi oo warbaahinta kula hadlay  goobta uu talaalka iyo daawayntu  ka socday ayaa  sheegay in uu talaalkan iyo daawaynta xooluhu tahay  mid kor loogu qaadaya tayada xoolaaha loogana hortagayo cudurada ku dhaca xoolaaha.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada fiiq ayaa siwayn u soo dhaweeyay talaalkan iyo daawaynta xoolahoodu loogu fulinayo iyaga oo xukuumada DDSI heerarkeeda kala duwan siwayn ugu mahad celiyay talalkan iyo daawaynta markasta xoolaha lagaga ilaalinaya cudurada faafa ee ku dhaca xoolaha.