Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar Loo Qabtay Xubnaha Hay’adaha Sharciga Ayaa Ka Furmay Kuliyada Maaraynta & Adeega Shacabka DDSI

Jigjiga(CN) Axad, 27 Dec Tababar uu soo agaasimay Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud & Cadaalada ayaa si habsami leh uga bilawday Kuliyada Maaraynta & Adeega Shacabka DDSI ee magaalada Jigjiga.

Tababarkan  oo ujeedadiisu tahay ilaalinta xaquuqda haweenka & caruurta ayaa waxaa kasoo qaybgalay xubnaha hay’adaha sharciga ee xafiisyada heer deegaan iyo sidookale xubno ka socday dagmooyinka Sadexda Gobal ee Shabeele Qoraxay iyo Nogob, waxaana lagu baranayay casharo ay kamid ahaayeen kahortaga caadooyinka xunxun, xeerka ciqaabta caadooyinka xunxun ee uu qeexayo dastuurka JDFI & ka deegaankaba.

Hadaba, ugu horayn waxaa kahadlay tababarkan Wasiirka Xeer Ilaalinta Guud & Cadaalada Mudane Cabdi Jamaal Axmed Qaloonbi wuxuuna sheegay in tababarkan ujeedadiisu tahay  kobcinta garaadka aqoomeed ee xubnaha hay’adaha sharciga, casharada lagu baranayana ay noqon doonan ilaalinta dhamaan sharciga gaar ahaan xaquuqda haweeenka iyo caruurta, waxaa kale oo masuulku  ku booriyay ka qayb galayaasha in ay sifiican uga faa iidaystaan casharada inta uu tababarku socdo.

Waxuna hadalkiisii ku gabagabeeyay masuulku in ay lagama maarmaan tahay in laga hortago wax kasta oo ku xad gudbaya xaquuqda haweenka & caruurta islamarkaana ka qaybgalayaashu u dhaadhicyaan hay'adihii iyo goobihii ay ka kala yimaadeen.