Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Cusbitaalka M.M Godey Oo Adeeg Bilaash ah Laga Furay

 Godey (CN) Talaado, 29 Dec 2015 waxaa Cuspitaalka Maamulka Magaalada Godey ka furmay tolitaanka dadka faruuran iyo sanqoolayaasha Islamarkaana lacag la aan ah ama bilaasha.

Hadaba Maareeyaha Guud Ee Hospitaalka M.M Godey Mudane Wali Cilmi Shariif  oo u waramay Shabakada Wararka ee Cakaaranews ayaa sheegay in tirada dadka ee ilaa hada latolay ay marayso 32 ilaa hadana ay socoto adeeg bixintiisu,

Sidookale waxa uu mareeyuhu intaa kudaray in mashruucani ay fulinayso haayada caalamiga ah ee (Harar Project) waxaana dhamaan muwaadiniinta DDSI ku nool ee ehelka u ah dadka faruuran iyo sanqoolayasha lala socod siinayaa inay keenaan Cusspitalka M.M Godey

 Waxa uu masuulku hadalkiisii ku soo gabagabeeyay in  dhaman dadka adeega loo fuliyay    ee faruuran ama sanqada leh 100% lagu guulaystay.