Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ka Hortaga iyo La Dagaalanka Caadooyinka Xun-xun.

Awbare(CN) talaado, 29, December, 2015, Xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta ee degmada awbare ayaa soo diyaariyay tababar ku saabsan la dagaalanka iyo tir tirida caadooyinka xun xun oo loo  qabtay ururada haweenka, dhalinyarada, culimo awdiinka iyo odayaal kuwaasi oo ka socday dhamaanba  tuulooyinka iyo magaalooyinka hoos yimaada degmada awbare.

Waxaana furitaankii  tababarkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada awbare mudane Maxamed Faarax Cabdi oo ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarkani iyo jihooyinka guud ee ay xukuumada DDSI ku tir tiraysa  caadooyinka xun xun wuxuuna sheegay in sanadihii ugu danbeeyay siwayn loogu guulaystay dabargoynta caadooyinka xun xun ee waxyeelada ku hayay bulshada, wuxuuna gudoomiyuhu ku booriyay qaybahan kala duwan ee bulshada degmada awbare in ay wada jirta u sii xoojiyaan la dagaalanka caadooyinka xun xun.

Sidoo kale waxaa ka hadlay furitaankii tababarkaa madaxa arimaha xisbiga degmada awbare mudane Xikam Axmed Khaliif iyo ku simaha madaxa xafiiska biyaha degmada awbare marwo Jawhara Ismaaciil kuwaasi oo sharax dheer ka bixiyay dhibaatooyinka ay leeyihiin iyo sidii loo dabar goyn lahaa  caadooyinka xun xun  ee ay ka midka yihiin gudniinka fircooniga ah   iyo  guurka deg dega ah.