MW CMC Iyo Kase Tegle Burhaan 0o Booqday Siti.

Shiniile(CN) khamiis, 31, December, 2015, Wafti balaadhan oo iskugu jire heer deegaan iyo heer faderaal oo uu   hogaaminayey  madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  kuna wehilinayo  wasiirka wasaarada  arimaha faderaalka JDFI mudane Kase Tegle Burhaan ayaa  saaka hiirtii subaxnimo  ka anbabaxay magaalada diredhawa una anbabaxay gobolka siti.

Waftigan oo socdaalkooda ka bilaabay degmada shiliine ee xarunta gobolka siti ayaa waxa ay ujeedada socdaalkoodu ahayd  sidii ay ugu kuurgali lahaayeen  noloshada ay ku nool yihiin bulshada ay abaaraha cimilada isbadashay  keentay saamaysay , heerka waxka qabadka abaaraha iyo waliba in diirada la saaro halka  ay marayaan hirgalinta mashaariicaha horumarineed ee ka socday gobolka siti ee kor loogu qaadayo nolosha bulshada.

Waxayna waftigani ugu horayntii booqdeen qabalaha Meta ee degmada  shiliine  oo ay ka socdaan mashaariicaha dib u dajinta ee looga faa-iidaynayo bulshada,  iyada oo  waftigan halkaasi sharaxaad dheer ka siiyeen  khabiiro ka socday shirkadaha fuliyay  mashariicahan geedi socodkiisa  shaqo . Waxa kale oo ay waftigani booqdeen isla maanta galinkii hore qabalaha xadhkaalay iyo qabalaha fadhato  ee degmada shiniile oo ah goobaha  la iskugu keenay ee la  dajiyya  bulshada ay abaaruhu saameeyeen waftigan iyo bulshada ayaa halkaasi si qoto dheer iskugu xogwaraystay   gaar ahaan sidii  bulshada looga samata bixin lahaa xaalaha abaarta bulshaduna uga faa’iidaysan lahayd adeegyada aas aasiga ah ee goobtan la dajiyey  loogu keenay ay xukuumadu ugu keenay sida waxbarashada biyaha iyo adeegyada caafimaadka.  .

Waftigan ayaa gaadhay qabalaha Gabi ee degmada hadhagaale  halkaasina shir balaadhan kula yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada hadhagaale.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sharax dheer ka bixiyay ujeedada socdaalka wuxuuna sheegay in ay xukuumada DDSI iyo tan heer faderaalba markasta u taagan yihiin sidii bulshada ay abaartu saamaysay looga samata bixin lahaa tan iyo inta laga saarayo bulshada abaarahana ay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI iyo tan dalkuba la joogayaan bulshada. todobaad kastana la qiimaynaya waxa laga qabtay abaaraha.

Sidoo kale wasiirka wasaarada arimaha faderaalka mudane Kase Tegle Burhan ayaa sheegay dadaalada balaadhan ee ay dawlada faderalka iyo tan deegaankuba  ugu jirto sidii  looga samata bixin lahaa bulshada ay abaaraha  saameeyeen wuxuuna siqo dheer ugu mahad naqay wasiirku  xukuumada DDSI, shacabka DDSI iyo ciidanka gaarka ah ee DDSI sida muga leh ee ay gar-gaarka balaadhan uga gaysteen shacabka ay abaaruhu saameeyeen, wuxuuna ku booriyay bulshada in ay ka faa’iidaystaan hawlaha kale oo dhinaca horumarka ah ee ay xukuumada la garab taagan tahay bulshada sida waxbarashada iyo xoojinta wax soo saarka beeraha.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa si qoto dheer ugu mahad naqay waftigan, waxaana ka mid ahaa qaarka mid ah hadaladooda” waxaanu si buuxda ugu mahad naqaynaa xukuumada DDSI iyo tan heer fadaraal iyo   ciidamada gaar ka ah ee DDSI taageerada aan kala go’alahayn ee ay markasta nala garab taagan yihiin, waxaana marna ka go’ay qalbigayaga madaxwaynaha DDSI oo  tunkiisa noogu xamaalay rashinkii gar gaarka ahaa ee  lagunu caawinayay hadh iyo habeena u taagan sidii uu nooga samata bixin lahaa abaarta.

waftigan ayaa galabnimadii maanta soo maray goobta dib u dajinta looga sameeya bulshada ee isla qabalaha gabi oo ay hadda gabagabo marayaan 1,000 guri oo loogu talagalay in bulshada la dajiyo loogana faa’iideeyo mashaariicaha horumarineed ee dhinaca wax soo saarka beeraha.

 

Socdaal dheerka ka dib ayaa waxay waftigani caawo fiidkii soo galeen magaalada deridhawa halkaasi oo la filayo in kulamo lagu qiimayna gudiyadii wax ka qabadka xaalada abaaruhu ay barito ka dhicidoonaan.