Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan Qiimayn Ah oo Ka Furmay Diri-dhawa.

Diri-dhawa(CN) jimce, 1, January, 2016,  Waxaa saaka ka furmay magaalada dire-dhawa gaar ahaan hoolka shirarka ee Ras huteel shir lagu qiimaynayo  Xaalada Abaaraha Gobolka sitti iyo Adeegyada mashaariicaha horumarineed ee waraabka,  Laydhka, Telefonada iyo guud ahaanba mashaariicaha horumarineed.

Shirkan oo ay hogaaminayeen madaxwaynaha  DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirka wasaarada arimaha faderaalka JDFI  mudane Kase tegle  Burhan ayaa waxaa ka soo qaybglay qaarka mid  ah  wasiirada xafiisyada DDSI oo ugu horeeyo madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar,  wasiiro iyo ku  wasiiro xigeeno ka socday wasaaradaha heer faderaal.

Shirkan qiimaynta ah wali ka socta hoolka shirarka ee Ras huteel ayaa waxaa diirada lagu saarayaa waxqabadka gudiyada xaalada abaaraha gobolka siti, iyo hirgalinta mashaariicaha horumarineed ee gobolka gaar ahaan kuwa waraabka laydhka iyo isgaadhsiinta.