Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Heshiis ku Aadan Cidhib-Tirka Caadooyinka Xun-xun

Jijiga,(CN) Sabti, 2 January 2016, Heshiis qoraala oo ku aadan cidhib tirka caadooyinka xun-xun ee ay kamid ka yihiin gudniinka fircawniga ah ayaa kadhacay Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI.

Heshiiskan oo uu soodiyaaray Xafiiska Arrimaha Haweenka & Caruurta oo kaa shanaya Haayada Hormarinta Haweenka & Caruurta Itoobiya ayaa waxa siwada jir ah qalinka ugu duugay Madaxwayne Kuxigeenka ahna Wasiirka Xafiiska Waxbarashada Mudane Mawliid Hayir Xasan, Gudoomiyaha Maxkamada Arrimaha Islaamka Mudane Shekh Sayid Nadir Shekh Sayid Nuur, Wasiirka Caafimaadka Mudane Cabdi-fataax Siciid, Wasiir Kuxigeenka maaliyada & Hormarinta Dhaqaalaha DDSI Mudane Jamaal Faarax Warmooge & Wasiirka Xafiiska Ciyaaraha & Dhalinyarta Mudane Maxamed Bille Xasan.

Waxaana heshiiskan kahadlay  islamarkaana katalo bixiyay Madaxwayne Ku-xigeenka ahna Wasiirka Waxbarashada DDSI Mudane Mawliid Hayir Xasan oo sheegay in gudniinka fircawniga ahi uu yahay mid aan diinteenu ogalayn, kuna tilmaamay in doorka kaga aadan ladagaalankiisa ay kaqaadanayaan ka Xafiis Waxbarasho ahaan. Ugudanbayna waxa uu Madaxwayne Kuxigeenku u mahad celiyay Hay’adihii soo diyaariyay qoraaladan heshiiska ah.