Tababarka Ku Saabsan Talaalka Ka Hortaga Cudurka Dabaysha.

Jijiga(CN) sabti,2 da, January, 2016,  Waxaa ka furmay hoolka shirarka  huteelka xamda   ee magaalada jijiga tababarka ku saabsan hirgalinta talaalka ka hortaga  cudurka dabaysha(Polio)  ee nooca irbada ah/ muditaanka Inactivated polio vaccine (IPV)

Tababarkan oo ah tababarka tababarayaasha ayaa waxaa  loo qabtay  55 xubnood oo ka kala socday xafiiska caafimaadka DDSI, xidhiidhiyayaasha caafimaad ee 9ka gobol DDSI  iyo xubno ka  socday hay’adaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska caafimaadka ee ka shaqeeya talaalka joogtada ah.

waxaana tababarkan furitaankiisii ka hadlay Gadhwadeenka geedi socodka kor u qaadida caafimaadka, ka hortaa cudurada iyo fayo dhawrka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Caydaruus Axmed oo si qoto dheer uga hadlay ahmiyada uu leeyahay tababarkani iyo cashirada lagu qaadanayo mudada uu socdo, wuxuuna kula dar daarmay   ka qayb-galayaasha tababarkan in ay sidii loogu tala galay uga  faa-iidaystaan  si loo hirgaliyo nooca talaalkan cusub.

Waxaa kale oo dhankiisa ka warbixiyay ahmiyada tababarkan tababarayaasha uu leeyahay,  xidhiidhiyaha  kor u qaadida caafimaadka iyo fayo dhawrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdishakuur Cabdilaahi oo ka warbixiyay nooca tababarkan iyo wax uu kaga duwan yahay talaalkan hada laga hirgalinayo deegaanka talaalkii hore ee cudurka dabaysha ee afka laga siin jiray ciyaalka. Wuxuna sheegay in  talaakan  yahay  irbada/ muditaan oo hal maar kaliya la siinayo ciyaalka dadoodu ka hoosayso hal sano jir si looga hortaga cudurka dabaysha(Polio).

 mudane cabdishakuur oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu sheegay in talaalkan  muditaanka ah, yahay mid lagu sii   xoojinayo talaalkii hore ee joogtada hore ee dabaysha   iyada oo laga  bixindoona talaalkan hada la hirgalinayo  dhamaan cisbitaalada, xarumaha caafimaadka iyo rugaha caafimadka ee deegaanka ka dib marka tababarkan hoos loo dhaadhiciyo heer gobol,  degmo ilaa heer tuulo iyo tuulo hoosaadba wuxuuna ku booriyay tababartayaashan in ay yihiin cududii hirgalinlahayd talaalkan ee gaadhsiin lahaydna ilaa heer tuulo sidaasi darteedna looga baahan yahay in ay cashirada si cilmiyaysan u qaataan mudada uu socdo.  

 

Shaacifi Daahir Muuse waa maareeyaha mashruuca hoos u dhigida dhimashada hooyada iyo dhalaanka (RIF) ee xafiiska caafimaadka DDSI wuxuna sharax dheerka bixiyay hab-raacyada lagu hirgalinayo nooca talaalkan cusub, iyo in cududa caafimaad oo ku gaashaaman aqoon iyo xirfad  lagaga midho dhalinkaro  qorshayaasha u yaala xafiiska caafimaadka iyo sidii kor  loogu qaadilahaa ka wada shaqaynta adeegyada  talaalka iyo ka faa-iidaysiga xarumaha caafimaadka si loo helo bulsho caafimaad qabta oo wax soo saar leh. Wuxuuna tababarkani socondoonaa mudo 3 maalmood ah.