Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kooxo Kormeer ah Oo Loo Diray Afar Gobal

Jigjiga(CN) Isniin 4, January 2016, Xafiiska Adeega Shacabka & Kobcinta Maamulka DDSI, ayaa kooxo soo kormeera ukala diray Afarta Gobal ee kala ah Doolo, Qoraxay, Nogob iyo Jarar.

Kooxahan ayaa ujeedada kormeer koodu yahay sidii loo keeni lahaa xogta dhabta ah ee ka jirta gaar ahaan dhinaca Xidhmooyinka Maamulka suuban, Ciidanka Horumar & Geedisocodka Dib Uhabaynta Shaqo (BPR) iyo waliba isgaadhsiinta casriga ah ee kala ah warada net ka,iyo Rural Conectivities.

Hadaba kormeerkan ayaa ugu horayn waxaa dardaaran siiyay Wasiirka Adeega Shacabka & Kobcinta Maamulka DDSI Marwo Maajida Maxamed Maxamud oo sheegtay in Xafiisku qorshihiisa 2008 uu kamid ahaa in lasoo kormeero Afartan Gobal islamarkaana taageero dhinaca farsamada ahna lasoo siiyo heer gobal ilaa iyo heer tuulo, sidookalana  xog dhab ah  laga keeno gobaladaas . Ugu danbayna waxa uu wasiirku kula dar daarmay khabiirada kormeerka baxaya in si daacada oo wadaniyad ku dheehantay uga soo baxaan waajibaadka shaqada kormeerka ah ee loodiaray.

Sidookale kormeerkan ladiray ayaa waxaa isna dhankiisa talo bixino iyo dardaaran kasoo jeediayay Gadhwadeenka Geedi-socodka Kobcinta Haaayadaha Dawliga ah Mudane Cabdilaahi Muxumed Qaloonbi oo sheegay in xogo dhab ah laga keeno heer gobal ilaa iyo heer tuulo islamarkaana laraaco check listiga ay qaateen kooxuhu.