Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Nidaamka Baris Barasho iyo Geedi Socodka Shaqo ee Kuliyada.

Jigjiga(CN) talaado, 5 January 2016, Maareeyaha kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI mudane Cabdirashiid Sheikh Cumar oo maanta xafiiskiisa ugu waramayay wariyaha shabakada wararka ee cakaanews   oo booqday kuliyada ayaa ka warbixiyay nidaamka baris barasho iyo geedi socodka  shaqo ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

 Wuxuuna maareeyuhu sheegay in ay kuliyada oo ka duulaysa taabo galinta qorshayaasha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI, ay sanadihii ugu danbeeyay dadaal xoogan ugu jirto xaqiijinta iyo hirgalinta siyaasada iyo istaraatajiyadaha waxbarasho tayaysan iyo awood siinta garaadka siyaasadeed ee  hogaaminta heerar-kooda kala duwan.

Wuxuuna tilmaamay maareeyuhu, in labadii sano ee ugu danbeeyay la  balaadhiyay bilicda  dhismaha guryaha  kuliyada   iyo qaabdhimeedka guud ee kuliyada, korna loo qaatay tayada    culuunta ay bixiso kuliyada taasi oo la gaadhiiyay ilaa heer Degree in ay bixiso kuliyadu. Mar uu ka hadlayay masuulku culuunta kala duwan ee ay bixiso kuliyadu ayaa waxa uu sheegay in ay  ka mid yihiin:- Human Resource Management Level III, Office Administrative and Secretarial Technology Level IV, Accounting and Finance Level III , Iyo Purchasing and Supply Mgt Level IV waxaana lagu daray oo laga hirgaliyay in ay bixiso kuliyadu hada degree program gaar ahaan waaxaha  Accounting and Finance iyo Human Resource Management and Leadership oo ah degree program ah 

Waxaa kale oo uu tibaaxay maareeyuhu in ay kuliyadu bixiso tababarada gaa-gaaban ee lagu xoojinayo ruuxda hogaaminta iyo shaqaalaha  heerar-kooda  kala duwan si ay fahan buuxa ugu qaataan istaraatajiyadaha siyaasadeed ee XDSHSI, kana fogaadaan aragtiyada guracan iyo fikirada dulsaarnimada. Una noqdaan kuwo leh bisayl siyaasadeed oo xoojisa  fulinta himilooyinka horumarineed.

Ugu   danbayntii waxa uu maareeyuhu  sheegay   in ay waxbarashadu tahay tiirarka ugu waawayn ee ay xukuumada iyo  shacabku  ku xaqiijinayso gaadhida horumar waara oo dhinac kasta leh. sidaasi darteedna ay kuliyada  sii xoojinayso  soo saarida cudud waxbaratay oo tayo iyo tiro  leh oo ka qayb-qaata hirgalinta qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaha jaan-qaadka 2aad (GTP2)