Wafti Kenya Kasocotay Oo Lasoo Dhaweeyay

Jigjiga(CN) Talaado, 5ta January 2016, Afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo ay weheliyaan wasiirka xafiiska xeer ilaalinta iyo cadaalada guud mudane Cabdijamaal Axmed Qaloonbi, wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale iyo mas’uuliyiin kale ayaa galabta gagida diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal kusoo dhaweeyay wafti kasocotay Kenya oo uu hogaaminayo mudane Maxamed Yuusuf Xaaji oo ah xildhibaan laga soo doorto Gaarisa, horayna u ahaan jiray wasiirka gaashaandhiga ee dalka Kenya. Waxaana xildhibaanka booqashadan uu kuyimid deegaanka kuwehelinayay wakiilka IGAD uqaabishan arimaha Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Afay, wakiilka gaarka ah ee Kenya uqaabishan arimaha geeska afrika mudane Cali Qorane iyo xubno kale.

Soo dhawayn kadib, waxaa waftiga loo sii qaaday guryaha martida ee qaryaan dhoodaan iyagoo nasasho yar oo ay halkaa kuqaateen kadibna uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar kuqaabilay xafiiskiisa.